axadle728x40

Friday, Mar 12th

Last update:08:24:30 PM GMT

You are here: Addunka Africa Lamaanaha Ingriiska ee Somaliya lagu haysto oo hees cusub loo qaaday
Banner
Banner
Banner
Banner

Lamaanaha Ingriiska ee Somaliya lagu haysto oo hees cusub loo qaaday

E-mail Print PDF
lamane_british
busy
Abwaan Soomaaliyeed oo degan magaalada London magaciisana la yiraahdo Cabdi Shire Jaamac ‘’ Ciyaar Jecel’’ ayaa mar kale waxa uu soo saarey Hees cusub oo uu kaga hadlaayo la haystayaasha lamaanaha u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu haysto dalka Soomaaliya gaar ahaan degaanka Xarar Dheere, islamarkaana tusaalayn ku waydiisanaayo afduubayaasha haysta inay sii dayaan lamaanaha ( RELEASE THE COUPLE). Abwaanka ayaa hore u curiyay heeso cusub uu ku cabiraayo dareenkiisa Soomaalinimo islamarkaana bulshada Soomaaliyeed kula qaybsanaayo marxaaladaha kale duwan ee jira, heesahaasna waxaa ka mid ahaa Yaan La Dooran, Hala Doorto, Qaylo Dhaan Waawareey.

Heestaan Cusubna waa ‘’SII DAAYA LAMAANAHA’’,waxaan qadka Telefoonka kula hadlay Abwaanka oo markaas ku sugnaa aqalkiisa si aan wax uga ogaado heesta cusub iyo sababta ku dhalisay inuu soo saaro.

DAAWO HEESTA CUSUB

Abwaan Cabdi Shire Jama (ciyaar jecel):Yusuf, ma hayo hal jawaaba oo kaliya balse heeska laftiisa ayaad ka dhex heli karta sababta aan u curiyay, intaas markaan ka gudbo, shaqooyinka meheradaha ii ah waxaa ka mid ah turjubaanimo oo aan ku jiray ilaa 1991. Maxkamad dalkaan Ingiriiska ku taal oo aanan tagin ma jirto. xataa tan house of lords oo hadda loo bedelay maxkamada sare/supreme court, 1998 ayaan waxaan saddex casho kaga qeyb qaatay kayskii sameynta weyn ku yeeshay sharciyada qaxootiga oo la yirahdo Aden iyo Nooh.

Marka shaqadaas turjubaanimada ah waxaan ka kasbaday waayo aragnimo dheer oo aan u yeeshay bulshada Soomaaliyeed, dhibka iyaga loo geysto iyo midka ay iyada ka gasho dadka iyo dalkaan aan magangalyada weydiisanay. Waxaan hayaa xoggo aad u foolxun oo ay geysteen dad soomali ah oo ay dhici karto in caqliga saliimka ahi uu diido uuna yiraado qof Sommali ahi kama suurtowdo in uu galo dambe ceynkaas ah.

Balse ogow dambiyada ugu xun- xun uguna foosha xun waxaa sameeya Soomaalida. Waxa halkaan ka dhacaya marka aad ku kabtid kuwa Soomaaliya ka dhaca, hadde sow Cabdi Shire oon gabyi jirin gar uma laha in uu muunso-muunsoodo ee uu gabyo.

Heestii Qaylo dhaan maxaa iyadana kugu dhaliyay?

Abwaan Cabdi Shire : Heesteydii qeylodhaan sababihii igu dhaliyay waxay ahayd anigoo TV Universal ka daawanaya gurigayga ayaa waxaan ka arkay gabar Soomaaliyeed oo ka ooyaysa ardaydii iyo barayaashii Jaamacada Banaadir ee lagu xasuuqay Qaraxii Hotel Shamow, intaan qolka galay ayaan damcay inaan anigana ku ooyo oo baroorto laakinse baroortii iyo uur kutaaladii Qaraxii Hotel Shamow waxaa ka dhashay heestaan Qaylo dhaan Waawareey.
Ma noo fasiri kartaa heesta Lamaanaha aad u qaaday kuna codsatey in la sii daayo? Yaase kugu dhiirigaliyay inaad soo curiso heesta Lamaanaha? Abwaan Abdi Shire Jama :Heestaan lamaanaha iyada ayaa fasiraad isugu filan oo waxa igu dhaliyay waa waxaa ay ka hadleyso. balse dhowr nin baa igu dhiiri galiyay. Wxayna kale yihiin Cabdislaan Hareeri , Cabduladir Xaaji Masale iyo Fanaanka Soomaaliyeed ee Keynaan.

Labada nin ee hore taleefoon ayaan si gooni gooni ah isug soo qaadnay baahida loo qabo in dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaan Ingiriiska ay dowr lixaad leh ka qaataan sidii loo sii deyn lahaa lamaanaha.

Keynaan, isaga xiriir meynaan yeelan balse waxaan dhageystay mar laga wareysanayay burcad badeeda. Runtii wareysigaasi wax weyn buu ku kordhiyay maskaxdeyda gaar ahaan difaaca uu difaacyay in ay Soomaalidu xaq u leedahay in ay badeeda ka difaacato burcad badeeda waaweyn ee shisheeyaha.

Markaas baan sameeyay qeybtaan ka midka ah heestaan Sii daaya Lamaanaha oo oraneysa: DOOMAHA SHISHEEYEE, DOOXATADA KU YIMIDEE, DALDALAAYA KHEYRAADKA, DADALAAYA XOOLAHA, SUNTA AY KU DAADSHAAN, BADEENA KU DAADSHAAN, WAA IN LALA DAGAALAA, KULIGEEN LA DIRIRNAA, DIFAAC QARANA WEEYAAN.

Maxa heestan Fanaanka Soomaaliyeed Keynaan ugu dhiibi waysay inuu qaado? Madaama uu arimaha Burcad Badeedka marar kale duwan kaga hadlay aragtidiisa wareysiyo lagala yeeshay.

Abwaanka ayaa si geesinimo u leh u yiri ‘’ Haddi aan Keynaan aqoon lahaa isaga ayaan heesta u dhiibi lahaa maadaama uu gacan iga siiyay sameynteeda.


Figrado (0)

Subscribe to this comment's feed

Figradada Qor

smaller | bigger

What's new in DjibVideo

Warbxiin

Hooyo Hooyo Soomaaliyeed oo Shegatey In Ay Tahay Qaxooti Lacaag la'aan.. Sii Akhrii »

Mohamud Dirir

Dirir As fascinating and challenging the world of journalism is..Sii Akhrii ».

Sport

Sport Nulla tincidunt tincidunt velit tristique leo.

Follow us

Follow us