May 3rd Dunidda \ U.S. Politics Warbaahinta Caalamka ayaa wali hadal haya howl galkii Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ku dileen Hogaamiyihii Al-Qaacida, iyadoo saacadba saacada ka dambeysay la helayo macluumaad hor leh oo ku saabsan dilka Bin Laden.
Howl galka Bin Laden lagu dilay oo ay fuliyeen Ciidamo sida gaar ah u tababaran oo lagu qiyaasay 30-40, ayaa markii Helicoptero ay saarnaayeen xarko kaga soo daadageen, ayaa iska caabini ay dhex martay Kooxo iyana ilaalo ka aheyd Guriga weyn ee uu degenaa Usama Bin Laden.
Sirdoonka Pakistan oo magaciisa loo soo gaabiyo ISI ayaa sheegay in Guriga ay ku jireen 17-18, waxaa ay sheegeen in gabar uu dhalay Usama Bin Laden ay aragtay aabaheed oo xabada lagu dhiftay, sidoo kale Sirdoonka waxay sheegeen in qof kale oo nool ay kaxeysteen Ciidamada Mareykanka, kaasoo loo maleynayo inuu wiilkiisa ahaa.
Hey'ada Sirdoonka ayaa sidoo kale waxaa ay xustay in sanadkii 2003-dii ay mar galeen Ciidamada Pakistan, halkaas oo ay kaga shakisanaayeen kooxo Mintidiin ah, balse ay ka waayeen, waxaa kaloo ay xuseen inay ceeb ku tahay Sirdoonka in Bin Laden ku dhuumaaleysanayay meel 1-KM u jirta Xerada Tababarka Ciidamada Pakistan.
La taliyaha Aqalka Cad ee ka hortagga argagaxisada, John Brennan, ayaa sheegay in inkastoo aan la qaadan karin in Osma bin Laden uu muddo sidaa u dheer uu joogay Pakistan isagoo aan wax taageero ah ka helin deegaanka.
Waxaa uu sheegay in marka howl galka socday ay si toos ah Kaamirad ku xirneyd Koofiyda Ciidamada sida gaarka ah u tababarnaa kala socdeen, waxaana uu sheegay inay jirtay wal wal, iyo hubaal la'aan ku aadan howl galka, hase ahaatee waxaa markaas jiray baaqyo ay isku aqoonsanayeen Ciidamada iyo Madaxweynaha, kuwaas oo durbadiida xaqiijiyay inay Usama dileen.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ka wal walsanaa howl galka inuu noqdo mid fashilma iyo in Ciidamadiisa ay wax ku soo gaareen, waxaana ka muuqday wal wal isagoo marba marka ka dambeysa uu ku soo laabanayay qolka Video laga daawanayay inta howl galka socday.
Baaqa ay isticmaalayeen Ciidamada gaarka ahaa iyo Madaxweynaha ayaa aheyd Geronimo EKIA (enemy killed in action) oo micnaheeda aheyd Cadawga waa la dilay, waxaana La Taliyaha uu sheegay in daqiiqadaha ay sida maalintii oo kale ay isu gureysay.
Aqalka cad ayaa wali ka doodaya in la baahiyo Muuqaalada Bin Laden, inkastoo ay jirto cabsi laga qabo inay ka dhalato caro weyn oo lagu qaado dalka Afganistan, hase ahaatee muuqaal la helay oo wajigiisa ahaa ayaa muujinayay toogasho isha midig aheyd.
Gabadhiisa ayaa xaqiijisay in aabaheed la dilay, sidoo kale guriga waxaa ku sugneyd xaaskiisa oo uu qabay, kuwaas oo aan waxba soo gaarin, hase ahaatee haweeney aan la garan ayaa la sheegay in howl galka ay ku dhimatay.
Waxaa marba marka ka dambeysay isa soo taraya wararka ku saabsan howl galka lagu dilay Usama Bin Laden, maadaama muddo ka badan 10-sano lagu raad-joogo, laakiin sida lagu helay dilkiisa ayaa sahashay markii la ogaadya mid ka mid ah dadka warka ka qaaday oo adeegaha u ah, in la daba galay, kaasoo isna la sheegay isaga iyo wiilkiisa howl galka lagu dilay.








