May 2nd Dunidda \ U.S. Politics Warar kala duwan ayaa iska soo daba dhacayay saacadihii u dambeeyay oo ku aadan howl galka lagu qaarijiyay Hogaamiyihii Ururweynaha Al-Qaacida Usama Bin Laden, kaasoo ay fuliyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ugu horeyn aqalka cad xalay habeen barkii waqtiga Mareykanka ka iclaamiyay in la dilay Usama Bin Laden, kadib howl gal ay fuliyeen Ciidamada sida qaaska u tababaran.
Ciidamada Qaaska ayaa la sheegay in Guri weyn oo qasri ahaa oo uu ku noolaa Usama Bin Laden ay ugu dhaceen, guriga waxaa uu ahaa mid ammaankiisa aad loo adkeeyay, Ciidamo gaar ah ay waardiyeynayeen guriga, sidoo kale ay ku xirnaayeen kaamirooyin.
Magaalada Abbottabad oo aheyd halka uu degnaa Usama Bin Laden ayaa waxay aad u hadal hayaan saxaafada Pakistan in guriga uu degenaa uu 1KM u jira Xero tababar ay lahaayeen Ciidamada Pakistan, waxaana tani ay keentay mid layaab leh, maadaama uu muddo ku dhuumaaleysanayay Usama Bin Laden.
Barack Obama ayaa sheegay in xogta ku aadan in Usama Bin Laden inuu gurigaas ku jiray ay heleen bishii September ee sanadkii hore, laakiin bishii Maarso ee sanadkan ay si rasmi u hubiyeen xogtaas, waxaana kadib uu kulamo la qaatay La taliyeyaashiisa.
Howl galka lagu dilay Usama Bin Laden waxaa uu saxiixay arbacadii, iyadoo xalay saqdii dhexe weerarka oo la sheegay inuu ahaa mid diyaarsanaa ay ka qeyb galeen Ciidamo lagu qiyaasay 40-ruux oo si adag u hubeysan, waxaana ay ku soo dageen Helicopter, gidaarada guriga ay ugu boodeen.
Iska caabin socotay sodon daqiiqo ayaa la sheegay inay dhex martay Ilaaladii Guriga iyo Ciidamada gaarka ahaa ee howlgalka waday, sidoo kale intii ay socdeen iska caabinta waxaa soo dhacday mid ka mid ah Diyaaradaha Helicopters ee Pakistan ay lahaayeen, sida ay sheegeen ilo wareedyo.
Weerarka kadib ayaa Ciidamada Mareykanka ay u suura gashay inay horay u soo qaataan Meydka Usama Bin Laden, markii ay ku toogteen qol uu ku jiray ka hor inta uusan ka soo kicin sariirta uu jiifay, markii dhawaaqa xabadaha uu maqlay.
Warbaahinta Caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya qaabka dilka u dhacay, waxaana warar aan la xaqiijin sheegayaan in Meydka Usama Bin Laden ay ku aaseen Ciidamada Mareykanka badda dhexdeeda.
Dilka Bin Laden kadib ayaa waxaa isugu soo baxay Magaalooyinka New York iyo Washington dhalinyaro damaashadayay, kuwaas oo ku faraxsanaa dilka la dilay Bin Laden.
Hogaamiyeyaasha Caalamka ayaa ka hadlay dilka Usama Bin Laden, waxaana qaarkood ay ku tilmaameen tallaabo muhiim ah, Dowladaha Faransiiska iyo Britain ayaa soo dhoweeyay howl galka lagu dilay ninkii aduunka loogu raadiska badnaa Usama Bin Laden.
Bin Laden waxaa lagu eedeynayaa inuu mas'uul ka ahaa weeraro badan oo bartilmaameed looga dhigtay waddammo reer galbeed ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaraxyadii Maraykanka ka dhacay ee loo yaqaan 9/11 iyo kii magaalada London ee la magac baxay 7/7. waxaa kaloo jiray weerarro lagu qarxiyay danaha reer galbeedka.
Usama Bin Laden ayaa dhashay 1957-dii, waxaa uu ka soo jeedaa dalka Sacuudi Carabiya, wuxuu ka dhashay qoys Taajiriin ah, oo caan ka ahaa dalka Sacuudiga Carabiya.
Dhanka kale waxaa la shaciyey sidaa shabakadda guardian.co.uk lagu dabaacy in sawirka uu yahay mid la farsameyey oo la isticmaalay photoshop Sawirka ayaan labo saano ka hor ay haysteen wargeysyadda calamiga ah iyo kuwa dalka ingiriska ka soo baxaba,
Ilo wareed oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Bin Ladin meydkiisa lagu xaqiijiyey ka dib markii laga qaatey dheecaanka hida sidaha ee loo yaqaan DNA, waxaana la sheegay in dawlada Sacuudiga loo soo bandhigay in ay meydka la wareegto balse ilo wareed diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in Sacuudigu uu diiday in uu meydka Bin Ladin la wareego taasi oo keentey in lagu duugo badda dhexdeeda.
Sababta meydka Bin ladin sida deg deg ah loogu duugay lama oga waxaase lagu sheegay qiimeyn shareecada Islaamka oo qabta in qofka Muslimka ah meydkiisa la duugo 24 saac gudaheed.
Lakaiin shaki badan ayaa laga qabaa sababta la sheegay in meydka loo duugay iyo waliba in xitaa Mareykanku ay soo bandhigi waayaan meydka Bin Ladin iyadoo la ogyahay markii ay dileen wiilashii Sadaam Xuseen ee Qusey & Udey in meydkooda Telefishinada laga baahiyey.
Sidoo kale qabashadii Sadaam Xuseen ayaa si la mid ah saxaafada Mareykanku ugu soo bandhigeen, waxaana jira shaki laga qabto arintaasi.
Hadaba warkan ayaa ku soo beegmayaa xilii sii weyn loo hadal haayo in la dilaay Binladiin oo la rumeysaan yahay in uu mar horeba dhintay ee usaan ku dhimaan Gacanta Mareykanka.








