Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News U.S. Politics Hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden oo la dilay, Madaxweynaha Mareykanka oo ku dhawaaqay

Hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden oo la dilay, Madaxweynaha Mareykanka oo ku dhawaaqay

  • PDF
binladen

May 2nd Dunidda \ U.S. Politics Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay inay dileen Hogaamiyihii iyo aas aasihii Urur weynaha Al-Qaacida, kadib khudbad si toos ah xalay habeen barkii uu u jeediyay shacabka Mareykanka, kaasoo ka baxeysay Warbaahinta.

Madaxweyne Obama ayaa xaqiijiyay in weerar ay fuliyeen Koox yar oo Mareykan ah ay ku dileen guri ku yaal Pakistan Hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden, Meydkiisana ay qaateen sida uu yiri.
 
Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Meydka Usama Bin Laden ay arkeen, iyadoo howl galkaas uu qeyb ka ahaa Nin Mareykanka u shaqeynayay oo ka qeyb qaatay xogta ku aadaneyn halka Usama Bin Laden uu ku sugnaa.
 
Guri weyn oo qasri ah oo ku yaal meel ku dhow Magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ayaa la sheegay inuu ku sugnaa, iyadoo sanado badan la qiyaasaday inuu ku dhuumaaleysanayay buuraleyda u dhaxeysa Afganistan iyo Pakistan.

Usama Bin Laden ayaa madaxiisa waxaa la saaray lacag dhan 27-milyan oo doolarka Mareykanka, waxaana uu ahaa ninka loogu raadiska badnaa ee Caalamka, markii weeraradii 11-kii September ee Magaalooyinka Washington iyo New York lagu qaaday.
 
Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay Magaalada Washington, kadib hadalkii Madaxweynaha Mareykanka uu ugu cadeeyay shacabkiisa in la dilay Usama Bin Laden.

Ali Musa

Axadle International Monitoring


Related Posts:
CBS News legend Mike Wallace, the 60 Minutes' pit-bull reporter whose probing, brazen style made his
Lewiston, Maine (MMD Newswire) April 3, 2012 — Originally hailing from one of Somalia’s major cl
WELLINGTON, New Zealand — Two years ago, Megaupload founder Kim Dotcom joked in emails with his ne
Warbaahinta Caalamka ayaa wali hadal haya howl galkii Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareyk
An image apparently showing a dead Osama bin Laden broadcast on Pakistani television and picked up b
Warar kala duwan ayaa iska soo daba dhacayay saacadihii u dambeeyay oo ku aadan howl galka lagu qaar
Hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden oo la dilay, Madaxweynaha Mareykanka oo ku dhawaaqay