July 23rd TV Abeer Shahin ayaa ah gabar ka qalin jebisey jaamacada American University ee magaalada Qaahira balse waxa ay illaa iyo imminka ahayd gabar aan helin shaqo iyadoo shaqooyinka badankeed lagu diidey iyadoo xiran niqaabka.
Balse waxa ay hadda heshay shaqo ay rajaynayo inay bedeli doonto sida ay mujtamaca reer Masar u arkaan indhoshareerka. Shahen ayaa waxa ay ka noqotay taleefishin cusub oo dadka ka shaqeynaya ay yihiin haween xiran Niqaabka looguna magac daray Maria.
"Waa caddaalad darro in la yiraahdo haweenka niqaabka xiran waxa ay ku wanaagsan yihiin guryaha. Maya waxa ay noqon karaan dhakhaatiir,Proffesoro iyo Engineero,"ayay tiri Shahin
iyadoo xiran indhoshareer madow ah oo indhaha oo qura ay ka muuqdaan.
"Waxaa la ii sheegay in aysan barnaamij soo jeedin karin gabar xiran indhoshareer muuqaalkeeda awgeed balse codkeyga ayaan gaarsiin karaa dadkuna si wanaagsan iigu fahmi karaan."
Xilligii uu hayay xukunka dalka Masar Hosni Mubarak haweenka xiran niqaabka waa la cadaadin jirey balse waxa ay hadda rajaynayaan in ay ka helaan boos siyaasadda cusub ee ka hanaqaaday dalka Masar.
Inkastoo dalka Masar ay ku nool yihiin dad u badan Muslimiin ayaa hadana haweenka xirta niqaabka waxa ay kala kulmi jireen faquuq marka waxbarasho ay raadsanayaan ama ay shaqo doonayaan.
Axadle International Monitoring







