September 19th Theatre Maqaalkaan waxaan ku iftiiminayaa sababaha ugu waa weyn ee ka dambeeya in fanaanku sheegto hees aanu leheyn, arintaan matahay wax fanka Soomaalida ku cusub mise waa wax horay u jiri jiray?, mexeysa u dhimi kartaa magaca qofka lagu tilmaamay in uu sameeyay xatooyo hees kale oo qaf nool ama dhintay uu leeyahay.
Maaha wax ku cusub fanka Saamaaliya in hees qof horay u qaaday mar kale dib loo qaado, iyadoo inta badan aan la xusin qofkii heesta horay u qaaday marka laga reebo tiro yar oo iyagu magac dhaba qofkii heesta horay ugu luqeeyay iyo kii miraha sameeyay intaba, laakiin sidaan horay u sheegay waa tiro aad u yar.
Is qabqabsi badan ayaa ka jira fanka Soomaaliya mudooyinkii ugu dambeyay, waxaana lasoo bandhigay heeso horay loo qaaday oo fanaaniin da'yar ay dib u qaadeen misana sheegeen inay iyagu leeyihiin, laakiin la helay cadeymo muujinaya in aysan leheyn, waxaana ugu dambeeyay is qabsigaas, kii ka dhashay heesta "Booli" oo lagu bartay fanaanada "Nimco Dareen, ha yeeshee fanaanad kale ay ka dhawaajisay in heestaan ay iyadu leedahay kuna luqeysay muddo laga joogo wax ku dhaw 30-sano.
Waxaa ka horeyay heestaan mid kale oo iyadana uu qaaday fanaanka da'da yar ee Fu'aad Cumar, taas oo lagu magacaabo "Bal Soo Orod" waxaana la ogaaday in heestaan uu leeyahay fanaan reer Jabuuti ah oo lagu magacaabo Jaamac Hadaaf, iyadoo heestaan uu sheegtay inuu sameeyay Abwaan magaciisa lagu sheegay Qadar Dheere kadibna u dhiibay Fu'aad.
Maaha intaas oo kaliya is qabsiga dhacay, waxaa kale oo iyadana leysku dagaalay heesta "Dhag Dhag" oo ay ku caan baxday fanaanada codka macaan ee Farxiya Fiska, waxaana heestaan sheegatay inay leedahay, iyadana loo sameeyay Amina Sindiko oo cod dheer ku sheegtay in laga xaday heesta.
Hadda Bishaan aan ku jirno ee isla sanadka 2012 Anigoo Barta youtube dhex mushaxaya waxaan ay indhaheysgu qabtee fanaanka da'da yar oo ku luqeynayaa hees u isaaga laheyn sheeganayaan haddaba Arrinta ayaa iga yaabisay waxaana jecleystey in aan u soo bandhigo dhalinta xiseysa fanka sii ay u ogaadaan cida iska leh heesta , Hadaba heesti oo aan soo jar jarney iskuna soo darnay labadaba ilaa arka oo hoos ka daalaco
Ceeb maaha in fanaanku qaado hees horay loogu luqeeyay, laakiin waxaa lama huraana in la xuso qofkii heesta horay u qaadi jiray iyo kii miraha iyo laxanka intaba sameeyay, taas ayaana fanaanku magac wanaagsan ku heli karaa, balse in hees qof kale leeyahay aad magacaada ku qorto qofkii lahaana aad qariso maaha wax haboon ama u wanaagsan sumcada qofka fanaanka ah.
Maahan wax Ku cusub Fanka Soomaalida in Fanaan uu xatooyo ku sameeyo hees balsa dadka ku xeel dheer Fanka ayaa arintaan ku tilmamay in ay qalad tahay in uu fanaan inta hees xado hadane uu sheegto in isaga loo sameyay heesta.
Qore Ali Musa







