Axadle | Xassan oo Ka Qeyb Galaaya Xuska Xornimadda Dalka Sudan - Axadle

Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Thu05232013

Last update10:57:33 PM

Back Addunka World News Somalia Xassan oo Ka Qeyb Galaaya Xuska Xornimadda Dalka Sudan

Xassan oo Ka Qeyb Galaaya Xuska Xornimadda Dalka Sudan

  • PDF

January 1st Somalia Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Gaaray Dalka Suudaan gaar ahaan Gobol lagu magacaabo Blue Nile halkaas oo ay ka dhacayso xaflad lagu maamuusayo furitaanka Mashruuc Biyo xireen ah iyo 57 Guuradii kasoo wareegatay xiligii ay xurnimada qaateen Walalaha Suudaan.  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Damaaziin ee gobolka Blue Nile dhigiisa Dalka Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir, halkaas oo labada Madaxwayne loogu Tumay Astaanta Labada wadan ee Soomaaliya iyo Suudaan.  

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa lagu wadaa in ay kulamo yeeshaan dhigiisa dalkaasi kaas oo ay kaga wada xaajoonayaan xariirka labada wadan iyo isbadaladii ugu dambeeyay ee labada wadan soo foodsaaray  bilihi lasoo dhaafay.  

madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu ugu hambalyeeyo dhigiisa Dalka  Suudaan iyo Shacabka 57 Guuradii kasoo wareegatay xiligii ay ka qaateen Xurnimada Engiriiska taasoo ku beegan maanta oo ah 1 bisha January.  

Dowladda Suudaan oo ah wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa waxa ay noqonaysaa ka qayb galka munaasabadahooda Xariirka qotada dheer ee labada shacab iyo midka siyaasadeedba u dhaxeeya.  waa booqashadii ugu horaysay uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago Dalka Suudaan intii loo doortay Madaxwaynanimada Soomaaliya 10 bishii September sanadkii 2012

 

Axadle International Monitoring-Somalia

Xassan oo Ka Qeyb Galaaya Xuska Xornimadda Dalka Sudan

Related Posts:
Munaasabad ay soo abaabuleen Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan oo lagu
Ka dib Madaafiic toboneeyo ah oo Axadii habeenkeeda lagu garaaacay Aqalka Madaxtooyada Soo
Warka Laga Helaayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ee konfurta Soomaaliya ayaa
Xafladii sanadguurada 18ka May ee lagu qabtay magalaada Denhaag ayaa xalay ku dhamaatay da
Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay maamulka Somaliland kala had
Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada iyo Dimoqraadiyada C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ku eedeeyay M