Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News Science Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yusuf Xaji oo ku tilmaamay fikirka ah qabsashada Kismayo inuu yahay mid qiyaali ah

Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yusuf Xaji oo ku tilmaamay fikirka ah qabsashada Kismayo inuu yahay mid qiyaali ah

  • PDF
Yusuf Haji

January 16th Dunidda \ Somalia Dowlada Kenya ayaa shaacisey inaysn rajo ka qabin inay qabsato magaalada dekeda ah ee Kismayo iyadoo aysan ciidamadeeda helin dhaqaale iyo qalab ay ku taageeraan beesha caalamka.

Wasiirka gaashaandhiga dowlada Kenya  Yusuf Haji ayaa sheegay in gelitaanka dalka Soomaaliya ee ay ciidamada Kenya gudaha u galeen ay abuurtay xaalad beesha caalamka ay kaga dhalin karto dalka Soomaaliya nabad waarta.

Hase  yeeshee wasiirku wuxuu sheegay in aysan ciidamada Kenya aysan sii wadi karin dagaalada iyagoo aan helin kaalmo.

Dowlada Kenya ayaa u aragta soo gelitaankii dalka Somaliya ay soo galeen ciidamadeeda bishii Oktobar ee sanadkii hore uu ahaa mid lagula dagaalamayay argagaxisada isla markaana ay u baahan tahay kaalmo si ay u dhamaystirta baab’inta ururada Alqaacida iyo Alshabaab.

Wasiirka gaashaandhiga xukumada Kenya Yusuf Xaji ayaa ku tilmaamay qayaali weerarida magaalada Kismayo iyadoo aanay ciidamada Kenya ka helin kaalmo beesha caalamka. Warkan ka soo yeeray Yusuf Xaji ayaa waxa uu ka soo horjeedaa hadalo ay hore u sheegi jireen dowlada Kenya ee ahaa in ay qabsanayaan magaalada Kismaayo ayna dib uga dhaceen weerarkoodii roobab ka da’ay deegaanadaas.

Wasiirka gaashaandhiga Kenya ayaa ku macneeyey ujeedada ciidamadooda inay ahayd in ay ka durkiyaan deegaanada u dhow xadka dalka Kenya ciidamada ururka Alshabaab si shacabka Kenya ay u helaan ammaan.

Dowlada Kenya ayaa u muuqata inay wax ka bedeleyso ujeedooyinkii ay Soomaaliya ciidamadeda u soo galeen, waxana warkan ka soo yeeray wasiirka gaashaandhiga dalka Kenya uu ku soo beegmay waqti dhalinyaro Kenyan ah ay urur Islaami ah kaga dhowaaqeen gudaha dalka Kenya sheegayna inay taageerayaan ururka Alshabaab.

Ururkan dhalinyarada Islaamka dalka Kenya ayaa waxaa uu ku hanjabay inay weerari doonaan safaaradaha wadamada reer galbeedka ah ee magaalada Nairobi.

Dalka Kenya ayaa soo gelitaankii ciidamadoodii gudaha Soomaaliya kadib waxaa lagu qaaday weeraro deegaano ka tirsan dalka Kenya iyadoo weeraradaasna ay geysteen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhowr maalmood ka hor ayaa weerar lagu qaaday xero ku taal meel u dhow magaalada Wajeer ee gudaha dalka Kenya waxaa lagu diley illaa 7 askari oo ka mid ah ciidamada dalka Kenya waxaana lagu soo qabsaday weerarkaas rag,hub iyo gaadiid sida ay sheegeen ururka Alshabaab oo isagu sheegtay inuu ka dambeeyey weerarkaas.


Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Waxaa la filayaa in mudo sadex bilood ah ay ku soo dhamaato waqtigii loo qabtay in lagu soo af-jaro
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Hamdi Hafez al-Nubi oo 28 jir ah kuna nool  Naga al-Simmanm oo u dhow magaalada Luxor koonfurta
Booliska dalka Kenya ayaa Sabtidii soo bandhigay muuqaalka nin u dhashay Jarmalka, kaasoo looga shak
Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yusuf Xaji oo ku tilmaamay fikirka ah qabsashada Kismayo inuu yahay mid qiyaali ah