Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News Science Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Baydhabo iyo Al-Shabaab oo hawada ka saaray Idaacadii Andulus

Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Baydhabo iyo Al-Shabaab oo hawada ka saaray Idaacadii Andulus

  • PDF
Al-Shabaab 2142896b

February 22nd Dunidda \ Somalia Dhaq dhaqaaq ciidan iyo diyaar garow dagaal ayaa ka jira Magaalada Baydhabo, iyadoo dadka deegaanka uu la soo dersay cabsi iyo walaac ay ka qabaan xiisadaha dagaal ee ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Bay oo Ciidamo Itoobiyaan gudaha u soo galeen.

Sida ay sheegayaan wararka dadka ku nool magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa noqday dareen ku joog ah, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalka ku soo fido.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Shabaab ay ka baxeen magaalada, inkastoo gurmad xalay gaaray magaalada iyo kuwii ka soo baxay Bardaale ay difaac xoogan ka xirteed galbeedka Magaalada.

Sidoo kale Idaacadii Al-Andulus ee afka Shabaab ku hadleysay ayaa hawada laga saaray, iyadoo Idaacada aanay saaka hawada ku jirin sida dadka deegaanka soo wariyeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qalabkii Idaacada la fur furay, sababo ku aadan dhaq dhaqaaqyada Ciidan ee ku soo wajahan iyo Ciidamada Itoobiya oo qiyaastii 60-KM u jira.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa xalay faarujiyay Bardaale, kadib markii Ciidamo badan Itoobiyaan ku soo dhowaadeen, waxaana Bardaale ay u jirtaa Baydhabo ilaa 50-KM.

Si kastaba ha ahaatee Dowladda KMG ayaa sheegtay in maalinimada jimcaha ay qabsan doonto Magaalada Baydhabo oo ah magaalo Istiraatiiji ah.


Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Waxaa la filayaa in mudo sadex bilood ah ay ku soo dhamaato waqtigii loo qabtay in lagu soo af-jaro
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Hamdi Hafez al-Nubi oo 28 jir ah kuna nool  Naga al-Simmanm oo u dhow magaalada Luxor koonfurta
Booliska dalka Kenya ayaa Sabtidii soo bandhigay muuqaalka nin u dhashay Jarmalka, kaasoo looga shak
Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Baydhabo iyo Al-Shabaab oo hawada ka saaray Idaacadii Andulus