Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News Science Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ismiidaaminta Beledweyn, Bandow la geliyay Magaalada & Shabaab oo sheegtay

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ismiidaaminta Beledweyn, Bandow la geliyay Magaalada & Shabaab oo sheegtay

  • PDF
qarax-miino

January 24th Dunidda \ Somalia Faah faahin ayaa ka soo baxeysa qarax ismiidaamin ah oo saaka aroortii ka dhacay Magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo qaraxa ahaa mid aad u xoogan oo gil gilay Magaalada oo idil.

Sida ay sheegayaan wararka Gaariga qaraxa fuliyay ayaa ahaa gaariga dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka, kaasoo laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa, waxaana kaxeynayay ruux naftii hure ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ka hor la maqlay rasaas la sheegay in Askari ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo taagnaa banaanka hore Xarunta uu riday, ka hor inta uusan gaariga ku soo dhowaan, kadib markii uu ku amray inuu joojiyo gaariga, balse ka dhaga adeegay.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Beledweyn ayaa soo sheegaya in qaraxa uusan geysan qasaare sidaa u weyn, gaar ahaan dadka rayidka ah oo xilliga uu dhacayay aanay goobta ka ag-dhoweyn, balse ay jiraan guryo qaar oo bur bur ku yimid.

Sidoo kale lama sheegi karo qasaaraha gaaray Ciidanka Itoobiya, inkastoo gaariga aanu u gelin gudaha Xarunta Gobolka, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Beledweyn. Hase ahaatee Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxa ismiidaaminta ee lala beegsaday Xarunta Gobolka, kaasoo ay ku sheegtay inay ku dileen Askar badan oo saf ku jiray, balse ma aanay cadeyn tirada askarta.

Laakiin warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gaariga qaraxa fuliyay uu markii hore damacsanaa inuu isku qarxiyo Hotelka Madiina oo ay degan yihiin, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, balse Ciidamo isku gadaamay Hotelka oo ammaankiisa sugayay ay gaariga celiyeen inta aanu soo gaarin laamiga looga galo.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ayaa isku gadaamay goobta qaraxa ka dhacay, waxaana socda howl gal ballaaran oo ay ka wadaan Xaafadaha Magaalada oo idil, iyadoo uu hakad ku jiro dhaq dhaqaaqa guud ee magaalada oo Bandow ah.

Qaraxan ismiidaaminta ayaa noqonaya kii u horeeyay muddo saddex sano kadib ka dhaca Magaalada Beledweyn, kadib weerarkii ismiidaaminta 18-kii June sanadkii 2009-kii lagu dilay Wasiirkii hore Amniga Col. Cumar Xaashi oo xilli isaga saraakiil Odayaal ku sugnaayeen Hotelka Madiina lagu qaaday.


Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Waxaa la filayaa in mudo sadex bilood ah ay ku soo dhamaato waqtigii loo qabtay in lagu soo af-jaro
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Hamdi Hafez al-Nubi oo 28 jir ah kuna nool  Naga al-Simmanm oo u dhow magaalada Luxor koonfurta
Booliska dalka Kenya ayaa Sabtidii soo bandhigay muuqaalka nin u dhashay Jarmalka, kaasoo looga shak
Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ismiidaaminta Beledweyn, Bandow la geliyay Magaalada & Shabaab oo sheegtay