Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News Science Warar sheegaya in gudoomiyaha Baarlamaanka laga yaabo inuu xilka wareejiyo

Warar sheegaya in gudoomiyaha Baarlamaanka laga yaabo inuu xilka wareejiyo

  • PDF
sharif xasan1

January 23rd Dunidda \ Somalia Wararka laga helay ilo muhiim oo ku dhow Saraakiisha ku nool xarunta Villa Somaliya ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ay soo food saartay xaalad cakirnaan ah kadib markii culeysyo siyaasadeed ay saareen

Saraakiisha Ciidamada Yugandha kuwaasoo u sheegay inuu si deg deg ah xilka u wareejiyo si looga baxo xaalada kacssanaan ah ee muddo uu ku jiray Howlihii Baarlmanaaka KMG ah.

Xogtan ayaa tilmaamtay in Ergyaga UN-ka ee Arrimaha Somaliya Mr. Augustina Mahiiga oo todobaadkii tagay si kedis ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho muddo labadood ahna kulan qarsoodi ah ah la yeelanaayay Mr. Shariif Xasan Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka si uu ugu qanciyo inuu xilka si nabad ah uga dego ayaa la sheegay inuu ku fashilmay wanwaantasi, waxaana la sheegay in Xukuumada Yugandha ay u soo dirtay magaalada Muqdisho mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dalkaasi si uu gudbiyo fariin uu ka siday Madaxweynaha dalkaasi oo aheyd inuu wakhti kooban xilka ku wareejiyo Mr.Shariif Xasan.

Mid kamida Xildhibaanada Dowladda KMG ah ayaa laga soo xigtay in Mr.Shariif Xasan Sheikh Aden xilka iska dhiibi doono maalmaha soo socda, kadib markii culeyso ay saareen Saraakiisha Ciidamada Yugandha, kuwaasoo horey ugu qasbay Mr.Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu xilka iska wareejiyo.

Mr.Shariif Xasan ayaa warar qaarkood ay sheegayaan inuu la soo gudboonaaday xanuun ah dhiiga oo kor u kacay, kadib culeysyada la saaray, isagoo la sheegay in loo soo qaadi doono magaalada Nairobi si loogu daaweeyo, Mr. Shariif Xasan ayaa gacanyarayaashiisa u sheegay inuu xilka wareejin doono kaliyaha marka loo balanqaado inuu isaga soo xuli doono 50 Xildhibaano ee Beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana hataan si xowli ah Xafiiskiisa uga socda diyaarinta Magacyada Xildhibaanada Beelahaasi uga mid noqon doono Xukuumada soo socota, iyadoo balanqaadaasi la sheegay inuu ka aqbalay saaxiibkiis Mr. Mahiiga.


Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Waxaa la filayaa in mudo sadex bilood ah ay ku soo dhamaato waqtigii loo qabtay in lagu soo af-jaro
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Hamdi Hafez al-Nubi oo 28 jir ah kuna nool  Naga al-Simmanm oo u dhow magaalada Luxor koonfurta
Booliska dalka Kenya ayaa Sabtidii soo bandhigay muuqaalka nin u dhashay Jarmalka, kaasoo looga shak
Warar sheegaya in gudoomiyaha Baarlamaanka laga yaabo inuu xilka wareejiyo