May 4th Dunidda \ Somalia Iyadoo labadii maalmood ee u dambeeyay shirar is daba joog ah ay lahaayeen Golaha wasiirada oo uu hogaaminayay Ra'iisul Wasaare Farmaajo iyo kulamo kale ee gaar u ahaa Gudiga Amniga qaranka ayaa kulamadaas waxaa uu ku wajahnaa adkeynta Amniga dalka, kadib dilkii Usama Bin Laden.
Kulan maanta ay ku yeesheen Ra'iisul Wasaare Farmaajo iyo Gudiga Amniga Qaranka ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo xaaladaha ammaanka ku tacaluqa.
Marka uu soo gaba gaboobay kulankaas ayaa saxaafada waxaa si wada jir ah shir jaraa'id ugu qabtay La Taliyaha Ra'iisul Wasaaraha Eng. Yariisow iyo Afhayeenka Ciidamada Booliska Col. C/llaahi Xasan Bariise.
Shirkooda Jaraa'id ayaa waxaa iyadoo qoraal ah oo na soo gaaray waxaa uu u qornaa sidan
Shir Jaraa'id:-
Xukuumadda FKMG ah iyadoo ka duuleysa mas’uuliyadda ka saaran badbaadada shacabka, iyo Al-Qaeda oo la sheegayo inay damacsan yihiin inay u aaraan Hoggaamiyahoodii Osama Bin Laden ka dib markii la dilay iyo guul darooyinka joogtada ah ee kooxaha Al-Shabaab ayaa Xukuumaddu waxey sii dar-dar gelin doontaa howlaha sugida amniga.
Hay’adaha amniga ayaa tan iyo dilkii Osama Bin Ladan ka wada xaajoonayey saameynta ay keeni karto dilkiisa.
Haddaba Xukuumadda FKMG ah markii ay tixgelisay:
· Warbixinada dhanka amniga ah,
· Falalka naxariis darada ah ee laga filan karo kooxaha xag jirka ah ka dib markii la dilay hoggaamiyihii Al-Qaeda
· Dagaalada socda ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
· Xaqiijinta ka imaneysa hay’adaha amniga ee ah inay jiraan falal ay damacsanyihiin kooxaha nabadiidka
ah ee lagu waxyeeleynayo shacabka soomaaliyeed.
· Howlgalada socda ee lagu sugayo amniga dalka.
· Rabitaanka shacabka soomaaliyeed iyo sida ay ula safteen Dowladda FKMG ah oo horumar baaxad leh ka sameeyey dhanka amniga.
Xukuumadda FKMG ah waxey go’aamisey:
1. In Dalka la geliyo Heegan buuxa oo ah meeshii ugu sarreysey (State of High Alert).
2. In hay’adaha amniga ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan sidii amniga loo sugi lahaa, loona dhaqan gelin lahaa feejignaan tii ugu sarreysey, iyadoo ciidanka la gelinayo heegan joogta ah.
Heegankan buuxa waxuu dar-dar gelin doona arrimahan:
1. In aan la oggalaan doonin dhammaan hubka sharci darada ah in wadooyinka lagu wato.
2. In la yareeyo socodka gaadiidka habeenkii waxii ka danbeeya 9pm, marka laga reebo kuwa sharciyeysan.
3. In Dib-u-habeyn lagu sameeyo ciidanka Dowladda.
4. In la sugo amniga goobaha shacabka ku sugan yihiin.
5. In Dowladdu ay dib gacanta ugu soo celiso magaalada Muqdisho.
Dhammaan shacabka soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa inay la shaqeeyaan ciidanka amniga sugaya si looga hortago waxii keeni kara falal argagax ah ee ka yimaada Al-Shabaab








