Axadle | Siyaasadda jahwareersan ee Aden Rooble iyo Saxaafadda maxaa kala Haysta - Axadle

Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Sat05252013

Last update07:55:43 AM

Back Addunka World News Somalia Siyaasadda jahwareersan ee Aden Rooble iyo Saxaafadda maxaa kala Haysta

Siyaasadda jahwareersan ee Aden Rooble iyo Saxaafadda maxaa kala Haysta

  • PDF

April 5th Somalia Saxaafaddu waa guriga ay u soo hoydaan dadka dulman, waxey goddaa ama qaloocisaa, soona laabtaa dhabarka qofka siyaasiga ah, waxey saxaafaddu gilgishaa, dhulkana dhigtaa kuwa kaaliya laf dhabarka u ah keligii taliyaha,

sidaasi awgeeda ayaa saxaafadda loogu tala galay ama ay u muteysatay in lagu magacaabo Xirfad ama mas’uuliyad taasoo la gaarsiiyey inay noqoto awooda Afaraad iyadoo ay ka horeeyaan awoodahasi Sharci dejinta, Fulinta, iyo Garsoorka , sadexdaasi golena ay “xod xotaan”.

Saxaafaddu waa Buunka,Sidhiga ama Turunbada nabadda codkeedii waana seef waxa ayna daafacdaa qeybaha kala duwan ee bulshadda Dumarka,Caruurta,Barimageytada iyo IWM

Waan ogahay in aad is waydineysoo sabaabta aan uga hormariyey qormadeyda  Qeexida Macnaha saxafadda taas oo aan ugu gogal xaarayo in ay saxafadu tahay iftimiyaha Ruunta ka sheega waxa jira, saxana qaladad kaste oo siyaasi uu geysto, dhanka kale Dad badan ayaa is waydinaya oo leh muxuu ula jeedaa Qoragu su'aashan isbarbardhiga ah balse Isbarbardhigaan waxaan uu soo qatey in aan ku iftimiyo ama aan sharaxaad idinka siiyo sidaa siyaasadda Adan rooble ay isku badbadasho tan iyo xiligii Dalka Djibouti uu qatey Xornimadda oo uu soo qabtey xilaal kala duwaan oo Hadda ugu dambeysay uu ahaa Xildhibaan Ka tirsaan Golaaha Maamul ee Dalka Djibouti.

Ma jecli in aan sii qoto dheer ah u sii gaalo sheekada qof shaqsii ah mana ihi qof sii gaar uu faquuqay beel am shaqsii balse waxaan jecleystey in aan dhexdhexaad ka noqono siyaasada ama  hardanka siyaasadeed ee ka jiraa dalka Djibouti oo aan jecleystey in aan wax ka iftimiyo Hab dhaqanka siyaasadeed ee Xisbiyadda mucaradka dalka Djibouti oo ah kuwo dana gaar ah wataa oo aan aheyn  kuwo uu adeegaya shacabka dhibateysaan ee aan haysan meel ay ciirsadaan.


Aden roble waxaa uu ka soo jeeda beelah degaa Djibouti, Aden Roble Waxaa uu la midoobay ama ka mid aha RPP waa Xisbiga hadda ka taliya dalka Djibouti.

Aden waa Xubin buxda oo ka tirsaan barlamanka dalka Djibouti.Aden waxaa uu dhowr jeer oo horee ka dhawajiyey in dalka Djibouti aysan ka jiriin dimuqradiyad balse waxaa wax laga xumado ah in uu isaaga ilaa xiligii uu dalka xornimadda ka hana Qadeyba uu ahaa wasir  ka tirsaan dawladda kana soo qabtey xilaal kala duwaan maxaa uu uga hadli waayey ama uu isku casili waayey, Maxaa ka hortaagna.

Aden Waxaa uu dhowr jeer siyey wareysi shabakado soomaaliyeed oo ay iska leyihiin beelo gaar ah oo daano gaar ah ka laleh siyaasada dalka Djibouti oo aan ku aftirsaan Dalka Djibouti balse ah kuwo ilo dhaqale ku leh dalka shacabkiisu macluusha iyo shaqo la'aantu ay haayso.

Aden waxaa uu wareysii uu siyey 4tii Bisha Maarso ee aynu soo dhafnay Idacada Foogaal araga iyo maqalka ee Afka qalad lagu yirahdo (RTD) in uu ka qeyb galeyn doorashadda ayna wadi doonaan Mudaharadada ka dhan ka ah xisbiga RPP, si kaste ha ahaate waxaa hubal ah in ninka hadba meel circirsanaya uu yahay nin ay siyaasadii ka jahwareertey oo aan aqoon waxaa uu hogaanka uu haayo iyo wax kale oo ay hareer martey mar uun sidii uu xukun ku gaari lahaa,Hadda waxaay indhacade isaaga mid yihiin isbadbadalka badan ee hadba uu xisbi uu daba istaagayo ama uu taageerayo.

waxa hubaal ah in shacabku kaliya ku qanci doonaan Siyaasi Fikirkisu iyo aragtidiisu hagagsan tahay oo ay meel hiigsato leh ee aysan ku qanceyn Qof hadba meel qabsanaya oo ay nafi wado,

Qofkaste oo siyaasi ah ama Hadafkisa siyaasadeed usaan garsisneyn meel dheer oo caynkaasa waxaa lagu qiimeyn doona Hab dhaqanka qoysikisa iyo kartida siyaasadeed ee uu uleyahay hogaan sare oo ah mid uu carbisaan Hilinka toosaa ee bulsho lagu hogaamiyo.


Wax yaabah cajaa’ibka ah waxa kamid ah halka shacabk reer Djibouti oo u badan dad dan yar ah nolol maal meedkooga la hirdamayaan, macaluushana jaar ay yihiin tasoo in badan oo kamid ah dan yarta ah iyo caruurahooda ay saamasay  cunto xumi, in ay mucaradku ay dhankooda iska indha tirayaan ama ay balan qad been ah uu fuliyaan oo ay maran habaabiyaan Bulshadda inta aan aqoon u laheyn Siyaasadooda beenta ah ee ay doonaya in ay mar uun kursi ku fulaan, Tusaale ahaan haddii aan idin xasuusiyoo Boreh oo ahaan jiraay saxibka kowaad ee Ismael omar ayaa hadda waxaa uu naga dhaadhicinaya in ay Haboon tahay in xukunka laga turo Madaxweynaha talada ka dhamaaneyso ee loolanka  doraasho ku jira sidii uu mar kale ugu soo istaagi lahaa xukunka,

haddaba kee ayaan rumeysana bulshoy, Bulshoy iska ilaali maran hababinta Siyaasadeed,Dhamman siyaasiyinta hadda jirta oo ay siyaasadoodu ay noqotey in ay noqdan kaliya Madaxweyne Taas oo ay horey soomali uga heestey una tirii Marle madaxqweyne i dheh waxaan dareemi karna in aden roble uu raabo in uu mar sidii uu madaxweyne ku noqon laha,

 
Si kastba ha ahaatee waxaan shacbiga reer Djibouti ah ee ay daashatay darxumadu, macaluusha, cadaalad darada, aan eebe uuga baryaynaa in mid cadaalada ku dhaqa oo daacad ah xukunka uugu dhiibo mustaqbalka Amiin

Qore A.M

Axadle International Monitoring

Siyaasadda jahwareersan ee Aden Rooble iyo Saxaafadda maxaa kala Haysta

Related Posts:
Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland oo wareysi siiyay idaacad afka Soomaaliga wax ku ba
Warbaahinta Britain ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si aad ah wax uga qoreysay dha
Warbixin oo uu soo bandhigay guddiga runta, cadaalada iyo dib u hesheesiinta Kenya ee (TJR
War qoraal ka soo baxay Madaxda iyo Saraakiisha sare ee Midowga Africa, ayaa waxaa lagu ma
Munaasabad ay soo abaabuleen Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan oo lagu
Ka dib Madaafiic toboneeyo ah oo Axadii habeenkeeda lagu garaaacay Aqalka Madaxtooyada Soo