Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaasi oo uu ka socdo shir ay leeyihiin Madaxda dalalka Urur goboleedka IGAD.
Wafdiga Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Sheekh Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta dalka Ethiopia ayadoo soo dhaweyn heer sare kadibna uu Madaxweynuhu ka qeybgalay Shirka Madaxda IGAD.
Shariif ayaa sidoo kale la kulmaay Madaxda dalalka Geeska Afrika sida Madaxweynaha Jabuuti isaaga oo ka qeyb Galay shir loga Hadlayey Soomaaliya ee sadex geesood ah
Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Mudane Saciid Yuusuf Nuur oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in shirka hada socda ee Madaxda IGAD ee uu Madaxweynuhu ka qeybgalay ajandayaasha looga hadlayo ay Soomaaliya ka mid tahay ayadoo dhanka kalena Madaxda IGAD ka hadli doonaan xaalada koonfurta Sudan.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale inta uu joogo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxa uu kulammo gaar gaar ah la qaadan doonaa Madax kala duwan oo Afrika ka tirsan isagoo sidoo kalena ka qeybgeli doona shir ay yeelanayaan Madaxweynayaasha dalalka Afrika.











