Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News Science Sadex bilood kadib markii Ciidamada Kenya galeen Soomaaliya (Warbixin)

Sadex bilood kadib markii Ciidamada Kenya galeen Soomaaliya (Warbixin)

  • PDF
kenya army_mortar

January 27th Dunidda \ Somalia Waxaa lagu tilmaami karaa isbadalkii ugu weynaa ee Geeska Afrika ka dhacay 30kii sanno ee lasoo dhaafay xagga militariga kadib dagaalkii Soomaaliya iyo Ethiopia 1977dii iyo waliba isbadalkii ugu weynaa xagga siyaadda ee dhacay labaatankii sanno ee lasoo dhaafay kadib markii ay dhaceen xukuumadihii militariga ee Soomaaliya iyo Ethiopia ee ay kala hogaaminayeen Jeneraal Maxamed Siyaad Barre iyo Magiste Xayle Maryam.

Waxaa uu duulaankani taariikhda ku galay dagaalkii ugu horeeyey ee ay ciidamada Kenya galeen tan iyo intii uu xoriyadda qaatay dalkaasi sanaddii 1963dii, marka aad weeydiiso sababta ay arrintani ku dhacdayna, dadka siyaasadda u dhuunduleela ee Nairobi ku sugan waxa ay si sahlan kuugu sheegayaan in ay tahay natiijooyinka aan wanaagsanayn ee ay la timid dimoqoraadiyadda nidaamka xisbiyada badan ee Kenya ka hergalay kadib markii uu dhacay xukunkii halka xisbi ee Daniel Arab Moi.

Cidna si rasmi ah uma oga tirade rasmiga ah ee ciidamada Kenya Soomaaliya ka joogta, laakiin marka laga qiyaas qaato kordhinta ciidamada AMISOM lagu samaynayo kadib markii Kenya lagu soo daray, waxaa la maleeynayaa inta u dhaxaysa 3 ilaa shan kun.

Waxaan ka hadlaynaa ciidamada ugu tabobar fiican Bariga Afrika oo dhan, heysta agabka military ee ugu casrisan, islamarkaasina daryeelka ugu fiican hela, waxa ay ciidanka ceykaasi ah dagaal boqol maalmood kula jiraan dhaqdhaqaaqa dhowr sanno jirsatay ee Alshabaab oo ay cid kasta maleyn karto tabarta ay heyso iyo tirada ciidanka.

Waloow aysan dhicin dagaalo faraha looga gubtey, waxa la taaban karo ee ciidamada Kenya ay gaareen waa boqolka Kiilo Mitir ee ay gudaha u galeen Soomaaliya, dhowr iyo taban duqeyn xagga cirka ah oo ay fuliyeen, kuwaaasoo qaarkood shacab lagu laayay, sidaasi oo ay tahayna waxaa laga hadlayaa howlgal guul laga gaaray sidaasi darteedna ay tahay in qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab dib loo celiyo. Howlgalka ciidamada Kenya ee Soomaaliya waxa uu badalay qariidada siyaasadeed ee Soomaaliya, kaliya ma ahan ciidamo shisheeye oo dalka galay si ay u baacsadaan koox jabhad ah, ee sidoo kale howlgalka

Kenya waxa uu saxaadda siyaadda kusoo biirinayanaa awood siyaasadeed oo dalkasi dabada ku heysto oo dalka meel ka mid ah ka dhalaqata , waloow tasi aysan ka duwanayn awoodaha ee dalka ka jira oo iyaga dalal shisheeya dabada ku heysta, hadana dad badan ayaa u arka in howl galka Kenya uu yahay mid a mid lagu yagleelayo maamul iyaga waafaqsa oo ay danahooda ku fushadaa.

Si la mid ah isbadalka Soomaaliya ay Arrintani ku yeelatay, ayay kenyana ku yeelatay, Kenya ma noqon doonto sidii ay waligeed ahayd, dadka dalkasi waxa ay dareemayan halis iyo cabsi badan, qof kasta oo dhaqaaqa waxa lagu eegayaa indho gaar ah xitaa dadka aan Soomaalida ahayd ee dalkasi u dhashay oo noqdey kuwa loogu baqdinta badan yahay.

Amaanka ka sokoow Kenya waxa ay lumisey inta badan daqligii kazoo galayay dalxiiska maadaama aysan cidna kusoo dhiiranaynin dal dagaal ku jira dalxiis u imaantankiisa, xagga siyaasadda howlgalka waa moowduuc xasaasi ah oo garabyada siyaasada dalkasi sii kala qeybin doono in ka badan intii ay ku klaa qeybsanaayeen.

Afhayeenka ciidamada Kenya oo hadlay waxa uu sheegay in boqol maalmood ka dib ay dagaal kaga dhinteen 7 Askari oo kaliya 8 kale oo dayuurad dhacday ku dhintay marka aad arrinkaasi weydiiso Al shabaab waxa ay ku sheegayaan in boqolaal askari ay ka dileen, sidoo kale kenyanka waxa ay sheegeen in Al shabaab ay ka dileen 8 boqol oo dagaal yahan, halkasi waxaa ka fahmi kartaa in afka lagu dagaalamyo in ka badan inta addimada lagu dagaalamayo.

Gaba gabada, halkani waxa ah ciidamo wadan daris ah ka socda oo markii ugu horeyey kuwa Ethiopia kula tartamaya danaha Soomaaliya laga leeyahay, waxaana jirta cadaymo aad u yar oo loo haayo ilaa heerka danaha Soomaaliya laga shaqaynayo, warka ugu naxdinta badan uu yahay in aanan la ogeyn xiliga ay dalka ka bixi doonaan.

Mohamed Muse Noor (Deeqdarajo)

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Cape Town, South Africa,


Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Waxaa la filayaa in mudo sadex bilood ah ay ku soo dhamaato waqtigii loo qabtay in lagu soo af-jaro
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Hamdi Hafez al-Nubi oo 28 jir ah kuna nool  Naga al-Simmanm oo u dhow magaalada Luxor koonfurta
Booliska dalka Kenya ayaa Sabtidii soo bandhigay muuqaalka nin u dhashay Jarmalka, kaasoo looga shak
Sadex bilood kadib markii Ciidamada Kenya galeen Soomaaliya (Warbixin)