Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News Science Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo markii u horeysay ka hadlay soo gelitaanka Ciidamadiisa ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo markii u horeysay ka hadlay soo gelitaanka Ciidamadiisa ee Soomaaliya

  • PDF
sharifaddis

January 28th Dunidda \ Somalia Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Atto Meles Zenawi ayaa markii u horeysay ka hadlay soo gelitaanka Ciidamadiisa ee Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay inay goobaha ay qabsadaan ku wareejin doonaan Ciidamada AMISOM.

Isagoo Wariyeyaasha kula hadlayay shalay Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in Ciidamadiisa taageerayaan Dowladda KMG, si Al-Shabaab looga saaro, isagoo cadeeyay in sida ugu dhow uga soo bixi doonaan Soomaaliya.

“Ciidamadeenu waxay taageerayaan TFG-da, si Kooxaha Xag-jirka aan ula dagaalano, waxaan rajeyneynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo baxno, ma dooneyn marnaansho xaga ammaanka ah, waxaan ku wareejin doonaan goobaha aan ka saarno Al-Shabaab Ciidamada AMISOM”ayuu yiri Meles Zenawi.

 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in Ciidamadiisa wadaan howl adag oo ay ku baacsanaa Al-Shabaab oo qatar ku ah Geeska Afrika.

Ciidamada Itoobiya ayaa bishii hore ee dhamaadkii sanadkii hore la wareegay Magaalada Istiraatiijiga ah ee Beledweyn, iyagoo ka saaray Al-Shabaab.

Midowga Afrika ayaa dadaal ugu jira sidii loo kordhin lahaa howl galka AMISOM, lana gaarsiiyo 17,700 askari.


Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Waxaa la filayaa in mudo sadex bilood ah ay ku soo dhamaato waqtigii loo qabtay in lagu soo af-jaro
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Hamdi Hafez al-Nubi oo 28 jir ah kuna nool  Naga al-Simmanm oo u dhow magaalada Luxor koonfurta
Booliska dalka Kenya ayaa Sabtidii soo bandhigay muuqaalka nin u dhashay Jarmalka, kaasoo looga shak
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo markii u horeysay ka hadlay soo gelitaanka Ciidamadiisa ee Soomaaliya