January 17th Dunidda \ Somalia Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) ay fasax uga heystaan qodista ceelalka shidaal ee shalay Madaxweynaha Puntland xariga ka jaray, kaasoo laga qoday Dooxada Daroor.
Afhayeenka Maamulka Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax-Joore) oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ceelasha shidaal ee laga qoday Gobolka Bari uu Ra’iisul Wasaaraha la og yahay.
“Dowladda wax ka socda shalay ma aanay ka soo qeyb galin furitaankii Ceelasha shidaalka ee Dooxada Daroor, Ra’iisul Wasaaruhu waa ogaa, markii Boosaaso iyo Garowe ku sugnaa”ayuu yiri Afhayeenkan.
Waxaa uu sheegay in ceelalka shidaal ee laga qodayo deegaanada Puntland ay dhowr qeybood u qeybsan yihiin, isagoo tilmaamay in ceelka laga qoday Dooxada Daroor lagu magacaabo Shabeel 1, halka mid kale ilaa saddex kale oo uu ugu magac daray Shabeel 2, Libaax 1 iyo Libaax 2 laga qodi doono deegaano hoos taga Gobolada Nugaal iyo Barri sida uu yiri.
Madaxweynaha Puntland ayaa shalay mar uu hadal ka jeediyay furitaankii Ceelalka Shidaal laga qoday Puntland ay aheyd riyo rumowday oo waqti dheer lagu taamayay, waxaana uu cadeeyay in kheyraadka shidaalka ay Puntland ka soo saareyso deegaanadeeda aysan ku qadi doonin dadka Soomaaliyed.
“Halkan wixii kheyraad laga helo nina ku qadi maayo, hadii Soomaali xisaabtanto oo ay yeelato Dastuur kala haga, Puntland Kheyraadkeeda waa ku cadaan dooaa, wixii Dowladda dhexe laga siinayo”ayuu yiri C/raxmaan Faroole oo xalay wareysi siiyay Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.
Dowladda KMG ayaa wali ka hadlin Ceelasha shidaal ay Puntland ka qodatay deegaanadeeda, inkastoo horay ay u waday ololaha ay shidaalka ugu soo saareysay deegaanadeeda, hadana waxaa jirtay in Dowladihii hore ay isku khilaafi jireen.








