Magaalada Muqdisho ayaa caawa u ah habeen dagaal, madaafiicdana ay tahay mid aan kala joogsi laheyn, iyadoo meelaha qaar ay ka socdaan iska hor imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-Shabaab.
Aagaga la isku hor fadhiyo sida agagaarka Qabuuraha Barakaat, Jaamacada Muqdisho, Xaafadaha Dayniile, duleedka Kaaraan iyo Huriwaa ayay rasaasta si isku mid ah uga socotaa, madaafiicdana waa kuwo dhan walba u jiheysan.
Tan iyo salaadii Maqrib ayay aheyd markii madaafiicda hugunkooda ku bilowdeen magaalada, gees ka geesna ay ahaayeen kuwo aad looga maqlayay, waxaana markii dambe isu bedeleen sida Gambaleel la yeerinayo oo kale.
Saldhigyada Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Jidka Warshadaha ayaa madaafiicda xoogeeda ka dhaceysay, gaar ahaan Madfaca halheyska u baxay BM-ka oo dadka reer Muqdisho ay ugu magac dareen Fooriyowga oo saddexdii sano u dambeeyay la bartay.
Taangiyada ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic culus ridaya, jihooyinka weerarada uga imaanaya difaacyada Ciidamada ay ku sugan yihiin.
Hilaaca madaafiicda ayaa meelo badan oo magaalada laga arkayay, waxaana xabadaha ahaayeen kuwo sidii dhimbil gaduudan oo kale.
Inkastoo dagaalada ay magaalada ka sii fogaanayaan, hadana hugunka madaafiicda culus ee ay adeegsanayaan Ciidamada AMISOM ayaa dadka reer Muqdisho cabsi iyo argagax ku ah, waxaana qof walba markaas u soo sawirmaya in dagaalku aanu wali magaalada ka bixin.
Maanta oo dhan magaalada wax dagaal ah kama dhicin, hase ahaatee waxaa caawa habeenkii 3aad u tahay dagaalo dhowr jiho Al-Shabaab marka gabalka dhaco ku qaadayaan, kaasoo aan waqtiyeysneyn, weeraradana ayaa ah kuwo mar walba dhaca oo si kedis ah hadba saldhig weerar xoogan loogu qaadayo.
Jimcihii kadib Ciidamada AMISOM markii ay qabsadeen Qabuurihii Barakaat iyo Jaamacadii Muqdisho ayaa waxaa Al-Shabaab bilaabeen weeraro ay ku qaadayaan xilliyada habeenkii aagag cusub oo aanu dagaalka uga furneyn, kaasoo lagu sheegay inuu qeyb ka yahay xeelada dagaalka oo Al-Shabaab bedeleen.











