Axadle | Meydka Askarigii Faransiiska oo la soo bandhigay - Axadle

Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Sat05252013

Last update07:55:43 AM

Back Addunka World News Somalia Meydka Askarigii Faransiiska oo la soo bandhigay

Meydka Askarigii Faransiiska oo la soo bandhigay

  • PDF

January 14th Somalia Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Meydka Askarigii Faransiiska ee ka mid ahaa Ciidamadii Kumandoska ee habeenkii jimcihii weeraray deegaanka Buulo Mareer, kadib markii ay sheegeen inuu geeriyooday. Afhayeenka howl galada Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in askariga dhaawac soo gaaray kadib uu u geeriyooday, iyadoo bayaan ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyay barta Twitter-ka lagu sheegay in qalab milateri ay ka qabsadeen Ciidamadii Kumandoska.

Abuu Muscab ayaa sheegay inuu wali nool yahay la heystihii u dhashay Faransiiska ee gacantooda ku jira Denis Allex, inkastoo aanay soo bandhigin. Goor sii horeysay Faransiiska ayaa sheegay inay la'yihiin mid ka mid ah askartooda, halka uu askari uga dhintay weerarkaas, waxaana Wasiirka gaashaandhiga Faransiiska sheegay in la dilay Denis Allex.

Meydka Askarigan oo ay ka muuqatay dhaawicii soo gaaray ayaa lagu soo bandhigay meel geed hoostiisa oo lagu tilmaamo karo beero, iyadoo ay dhinac yaaleen qalab kale oo ahaa agabkii milateri ee uu xirnaa, waxaana ka mid ahaa labo koofiyadood, qoryo noocyadooda casri yihiin iyo agab kale sida lagu sheegay bayaanka.

 

Axadle International Monitoring- Somalia

Meydka Askarigii Faransiiska oo la soo bandhigay

Related Posts:
Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland oo wareysi siiyay idaacad afka Soomaaliga wax ku ba
Warbaahinta Britain ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si aad ah wax uga qoreysay dha
Warbixin oo uu soo bandhigay guddiga runta, cadaalada iyo dib u hesheesiinta Kenya ee (TJR
War qoraal ka soo baxay Madaxda iyo Saraakiisha sare ee Midowga Africa, ayaa waxaa lagu ma
Munaasabad ay soo abaabuleen Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan oo lagu
Ka dib Madaafiic toboneeyo ah oo Axadii habeenkeeda lagu garaaacay Aqalka Madaxtooyada Soo