Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News Science Mareykanka oo sheegtay inay dileen Bilaal Al-Barjaawi

Mareykanka oo sheegtay inay dileen Bilaal Al-Barjaawi

  • PDF
Hogaamiyaha-Al-Qaacida

January 22nd Dunidda \ Somalia Xukuumada Washington ayaa qiratay inay xubin sare oo ka tirsan Hogaamiyeyaasha sare ee Al-Qaacida shalay ku dishay diyaaradaha kuwa aan cidina wadin ee Drone, markii ay ku weerartay Kolonyo uu la socday Bilaal Al-Barjaawi oo u dhashay dalka Lubnaan.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Mareykanka oo qariyay magiciisa in saxaafada laga shaaciyo ayaa sheegay in Mareykanka uu ka dambeeyay weerarka lagu qaarijiyay Bilaal.

Jariirada Washington Post ayaa soo xigatay Sarkaalkan oo diiday inuusan fasax u heysan in saxaafada inuu ka hadlo ayaa sheegay in Bilaal Al-Barjaawi uu xiriir soke la lahaa Hogaamiyihii Al-Qaacida ee Geeska Afrika Fazul Cabdalla Mohamed oo bishii June sanadkii hore ku dileen Ciidamada Dowladda Check-point ku yaala duleedka Muqdisho, markii uu ku soo qaldamay.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa saxaafada u xaqiijiyay in Bilaal Al-Barjaawi oo heystay dhalashada Ingiriiska, balse asal haan ka soo jeeday dalka Lubnan uu ku dhintay weerar ay fuliyeen diyaaradaha Drone, kadib markii saddex gantaal ku rideen gaari uu la socday oo marayay nawaaxiga Isbitaal Carafaat.

Mareykanka wali tafaasiil dheeraad ah kama bixin weerarka lagu dilay Bilaal Al-Barjaawi, waxaana Hogaamiyahan uu horay uga bad baaday weerar diyaaradaha Drone bishii June ka fuliyeen duleedka Magaalada Kismaayo.

Bilaal oo loo yaqaanay Abuu Xafsa ayaa in muddo ah ay baadigoobayeen Mareykanka tan iyo wixii ka dambeeyay markii la ogaaday in xiriir dhow la lahaa Al-Qaacidada dalka Yemen.


Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Waxaa la filayaa in mudo sadex bilood ah ay ku soo dhamaato waqtigii loo qabtay in lagu soo af-jaro
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Hamdi Hafez al-Nubi oo 28 jir ah kuna nool  Naga al-Simmanm oo u dhow magaalada Luxor koonfurta
Booliska dalka Kenya ayaa Sabtidii soo bandhigay muuqaalka nin u dhashay Jarmalka, kaasoo looga shak
Mareykanka oo sheegtay inay dileen Bilaal Al-Barjaawi