February 22nd Dunidda \ Somalia Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay ka degay Magaalada London, halkaas oo maalinta berri uu kaga qeyb galayo shirka ay soo qaban qaabisay Dowladda Britain oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminayo ayaa waxaa xalay ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan Xukuumada iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo horay u sii joogay London.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa la dajiyay goob gaar ah oo loogu tala galay Wafuuda Soomaalida ee ku qul quleysa Magaalada London.
Shirka London ee berri ka furmi doona ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 40-Dowladood, oo isugu jira Madaxweynayaa, Ra’iisul Wasaare, iyo Madaxda Hey’adaha Caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa ka digay halista xagjirnimo ee ka soo socota Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya tahay dal u nugul Argagixisada iyo burcad badeedka.
Shirka London ayaa waxaa ka qeyb galaya dhinacyada Soomaalida, sida Madaxda Dowladda TFG-da, Maamulada Puntland, Galmudug, Maamulka Somaliland, Ahlusuna, iyadoo shirkan dad badan ay gelinayaan shaki kala duwan.








