Axadle | Kulan lagu taageerayo Xisbiga USN oo lagu qabtay Ottawa - Axadle

Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Sun05262013

Last update07:39:24 PM

Back Addunka World News Somalia Kulan lagu taageerayo Xisbiga USN oo lagu qabtay Ottawa

Kulan lagu taageerayo Xisbiga USN oo lagu qabtay Ottawa

  • PDF

February 18th Somalia Kulan sii Heer sare loo soo Agaasimay Ayna Ka soo Qeyb Galen Bulshadda Ku Aftirsata Dalka Djibouti kaas oo Lagu taageerayo Xisbiga Mucaaradka ah USN ee Jabuuti oo lagu qabtay Magaalada Ottawa ee dalka Kanada.

Halkan Ka Daawo Heesta Nima Jama Ay Mesha Ka Qaadey

Dadweynihii halkaas ka hadlay ayaa waxay ka wada mideysnaayeen sida ay u duunayaan in uu isbedel siyaasadeed ka dhaco dalka Jabuuti. Waxayna shucuurtooda ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin caddaala darrada iyo musuq-maasuq muddo dheer ka jira dalka Jabuuti. Waxayna ku adkeeyeen dadweynihii halkaas isugu yimid in ay si toos ah u wacaan eheladooda iyo asxaabtooda una sheegaan in doorashada ka qayb-galaan oo ay isbedel dhaliyaan.

Qabanqaabiyayaashii kulankan ayaa u sheegay Hiiraan Online in xisbiga USN uu yahay xisbiga maanta Jabuuti gaarsiin kara caddaalad iyo dimoqaraadiyad.

Kulankaan uu xiriiriye ka ahaa Ismaaciil Ladiye ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Ayuub Jaamac, Maxamed Xuseen, Axmed Cismaan, Xuseen Candhoole, Axmed Ibraahim, Zeynab Ismaaciil, Maxamed Aar, Sheekh Samatar Cilmi iyo Xasan Adan (Dameerjoog). Waxaa halkaas heeso gubaabo iyo ammaanta calanka Jabuuti ka qaaday fannaanadda reer Jabuuti ee Nimca Jaamac Migil, halka fannaanka Cawaale Adan uu kulankaas kula soo xiriiray khadka telefoonka

Maalinta jimcaha ee bishan Feberaayo 22keeda ayaa la filayaa in ay dalka Jabuuti ay ka dhacaan doorasho lagu soo xulayo 65 xildhibaan. Waxaana dalka Jabuuti ka socda olole xoog leh oo u dhexeeya xisbiga talada dalka haya ee RPP iyo xisbiga mucaaradka ee USN.



Kulan lagu taageerayo Xisbiga USN oo lagu qabtay Ottawa

Related Posts:
Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland oo wareysi siiyay idaacad afka Soomaaliga wax ku ba
Warbaahinta Britain ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si aad ah wax uga qoreysay dha
Warbixin oo uu soo bandhigay guddiga runta, cadaalada iyo dib u hesheesiinta Kenya ee (TJR
War qoraal ka soo baxay Madaxda iyo Saraakiisha sare ee Midowga Africa, ayaa waxaa lagu ma
Munaasabad ay soo abaabuleen Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan oo lagu
Ka dib Madaafiic toboneeyo ah oo Axadii habeenkeeda lagu garaaacay Aqalka Madaxtooyada Soo