Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News Science Kooxo Hubeysan oo xalay weerar ku qaaday goob dhalinyaro ku caweynayeen degmada Wardhiigley

Kooxo Hubeysan oo xalay weerar ku qaaday goob dhalinyaro ku caweynayeen degmada Wardhiigley

  • PDF
20 JAN_2012

February 1st Dunidda \ Somalia Inta la og yahay hal ruux ayaa ku geeriyooday labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii Kooxo Hubeysan xalay fiidkii ay weerareen goob dhalinyaro ku caweynayeen oo ku taal degmada Wardhiigley.

Kooxahan oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa dhalinyarada rasaas la dhacay iyagoo goob lagu ciyaaro ciyaarta loo yaqaano Play Station ciyaarayeen, halka qaarkood ka sheekeysanayeen ciyaaraha Horyaalada Yurub.

Qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa markii rasaasta ka dhex bilaabatay kala cararay, waxaana koohihii hubeysnaa iyana goobta ay ka dhaqaaqeen markii ay ujeedkooda fushaden.

Laakiin labo ka mid ah dhalinyarada dhaawaca soo gaaray ayaa goobta yaalay muddo daqiiqado ah, iyadoo markii dambe ay heleen gurmad,

Xaafada dhalinyarada lagu weeraray oo aheyd halka lagu magacaabo Geed Jaceyl ayaa dhowaan waxaa dib ugu soo laabtay sanado kadib dadkii degenaa, iyadoo dhalinyarada ay qeyb ka ahaayeen dadka dib ugu soo noqday.

Bishii la soo dhaafay ayaa sidan oo kale goob lagu ciyaaro Play Station oo ku taal xaafada Buulo Xuubey sida oo kale weerar bam iyo rasaas lagu qaaday, kaasoo labo caruur ahi ku dhinteen qaar kalena ay ku dhaawacmeen.


Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Waxaa la filayaa in mudo sadex bilood ah ay ku soo dhamaato waqtigii loo qabtay in lagu soo af-jaro
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Hamdi Hafez al-Nubi oo 28 jir ah kuna nool  Naga al-Simmanm oo u dhow magaalada Luxor koonfurta
Booliska dalka Kenya ayaa Sabtidii soo bandhigay muuqaalka nin u dhashay Jarmalka, kaasoo looga shak
Kooxo Hubeysan oo xalay weerar ku qaaday goob dhalinyaro ku caweynayeen degmada Wardhiigley