February 19th Dunidda \ Somalia Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku sii qul qulaya ergooyinka ka qeyb galaya shirka magaalada London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo, iyadoo ergooyinka London gaartay ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya,maamullada dalka ka jira iyo Dalalka aanu jaarka nahay ee Sida Madaxweynaha Djibouti Ismael omar gelle oo la filaayo isna meesha Gaaro
Iyadoo ay socoto qaban qabada shirka London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ayaa waxaa magaaladaasi gaaraya ergooyinka shirkaasi ka qeyb galeysa, waxaana ka mid ah masuuliyiinta gaaray London xubno ka socda dowladda Soomaaliya, maamullada dalka iyo xubnaha beesha caalamka.
Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wafdi uu hoggaaminayoayaa isna u anbabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska si ay uga qeyb galaan shir weynaha Soomaaliya ay u qabaneyso dowladda Ingiriiska Soomaaliya.
Madaxweye Silaanyo oo haddal jeediyay ka hor inta uusan ka anbabixin garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Soomaaliland ay fursad u arakto ka qeyb galka shirkaasi, isagoo rajo ka muujiyay shirkaasi.
Sidoo kale waxaa magaalada London gaaray guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” iyadoo halkaasi ay si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uk.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay magaalada London gaaraan masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ugu sareysa iyo madaxda maamullada dalka sida Puntland iyo Galmudug.
Ka qeyb galayaasha shirka London oo ku sii qul qulaya magaaladaasi iyo Ismael Omar oo ka mid ah Madaxda ku sii jeeda Halkaa
Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Website Design Ali Musa








