January 1st Somalia Hay’adda nabad sugidda qaranka ayaa sheegtay in ay fashilisay isku day lagu doonayay in lagu dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
Hay’adda ayaa maanta ku soo bandhigtay Muqdisho mid ka mid ah shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Tahliil Cabdullaahi Nuur oo ay ku eedeysay inay Al-Shabaab u soo adeegsatay in uu dilo guddoomiyaha gobolka.
Taliyaha hay’adda nabad sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ay ogaadeen qorshaha lagu dili rabay Tarsan kaddib markii ay sameeyeen baaritaanno.
Tahliil Cabdullaahi Nuur oo ah ninka waday isku dayga ayaa warbaahinta u sheegay in ay Al-Shabaab la soo xiriireen, una so dirsadeen in uu miino ku xiro xafiiska guddoomiyaha si loogu qarxiyo, wuxuuna tilmaamay in loo sameeyay ballan-qaadyo.
Nabad-sugidda ayaa marar badan fashilisay weerarro ay Al-Shabaab damacsaneyd in ay caasimadda ka fuliso.
Axadle International Monitoring-Somalia










