Axadle | Indhoole Masjidka 5-ta salaad ku tukuda - Axadle

Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Thu05232013

Last update10:57:33 PM

Back Addunka World News Somalia Indhoole Masjidka 5-ta salaad ku tukuda

Indhoole Masjidka 5-ta salaad ku tukuda

  • PDF

January 31st Somalia Tukashada Salaada waxay ka mid tahay shanta qodob ee aasaaska u ah Islaamnimada, iyadoo ay u tahay hogaan camal kasta oo qofka Muslimka ah uu sameeyo, maadama ay tahay ay ku tahay faral qof kasta oo Muslim ah oo da’da qaangaarka gaarey, waana camal xisaabtankiisa iyo ajarkiisa uu leeyahay ALLE subxaanuhu Watacaalla.  

Waajibaadkan diineed ee salka u ah Islaamnimada, dad badan oo caafimaad & xoog ALLE ugu deeqay ayaan gudan salaada,kuwaasioo fududeysta ama si kas ah uga taga, waxaana la isku raacsan yahay in qofka oo ka taga ama dayaca salaada ay halis ku jirto Muslimnimadiisa, maadama ay tahay xiriirka rasmiga ah ee ka dhaxeeya ALLE SWT, iyo adoomkiisa, iyadoo gudashadeeduna ay tahay camal ka mid ah camalada ugu wanaagsan ee ILAAH loogu dhawaado.

Ummadda Muslimiinta waxay duco iyo maashaa ALAAH hal mar afka ku boobeen markii dhawaan Telefishinada uu ka soo muuqdey nin indho la’a oo u dhashay wadanka Sacuudiga oo shanta salaadood ku tukuda Masjid ku dhaw gurigiisa kaasi oo uu ku tago si xirfad leh, iyadoon qofna gacanta qaban ama aanu hagin.  

Ninkan ayaa Masjidka ku taga xarig uu ku soo xirtey bir koronto (baalle) ku yaal albaabka Masjidka , halka afka kalena ugu xiran yahay gurigiisa kadinkiisa, isagoo qabsada xarigaasi sidaasi ku taga Masjidka uguna soo laabta gurigiisa.   Ninkan oo mudo indho la’aa ayaa lagula taliyey in aanu isdhibin oo uu gurigiisa ku tukuado hase yeeshee wuu ka biyo diiday talo soo jeedintaasi, isagoo sheegay in shanta salaadood ee faralka ah uu ku doonayo in uu ku guto Masjidka .  

Muuqaalka video laga duubay ninkan oo ka baxaya gurigiisa isagoo ku labisan qamiis ayaa waxaa ka muuqata isagoo si deganaan ah oo aan cabsi ama walwal ku jirin u socda, gacanta ula raacaya xariga isku xiraya gurigiisa iyo iyo Masjidka.  

 “ILAAH ayaa ninkan indhiisa ka qaaday araga, balse kama aanu qaadin cibaadada iyo caqliga” ayuu qoray maalinlaha ee Al-Saudeh ee dalka Sacuudiga ka soo baxa oo qisadan soo gudbiyey.  

Link-ga hoose ka daawo vidoe ninkan oo Masjidka u socda iyo sida xeelada ah ee uu ku tago

 

Axadle International Monitoring- Saudi Arabia

Indhoole Masjidka 5-ta salaad ku tukuda

Related Posts:
Munaasabad ay soo abaabuleen Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan oo lagu
Ka dib Madaafiic toboneeyo ah oo Axadii habeenkeeda lagu garaaacay Aqalka Madaxtooyada Soo
Warka Laga Helaayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ee konfurta Soomaaliya ayaa
Xafladii sanadguurada 18ka May ee lagu qabtay magalaada Denhaag ayaa xalay ku dhamaatay da
Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay maamulka Somaliland kala had
Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada iyo Dimoqraadiyada C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ku eedeeyay M