December 13th Somalia Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi ka socday dalka Jabuuti oo ku booqday xaruntiisa.
Wafdiga Jabuuti oo shalay gaaray magaalada Muqdisho waxaa hoggaaminaya afhayeenka baarlamaanka Jabuuti Idiris Cali.
Madaxweynaha ayaa si fiican ugu soo dhoweeyay wafdiga Villa Soomaaliya, isagoo u sheegay inaaney marti ku ahayn Soomaaliya, balse ay joogaan dalkoodii.
Wuxuu intaas raaciyay in si fiican loogu soo dhoweeyay dalka Jabuuti safarkii dhowaan uu ku tegay halkaasi, isagoo carrabaabay inay dowladdiisa xoojin doonto xiriirka ay la leedahay dalka Jabuuti.
Kulanka dhex maray labada dhinac waxaa goob-joog ka ahaa afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble
Afhayeenka baarlamaanka Jabuuti waxaa booqashada uu ku tegay magaalada Muqdisho ku wehliya mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Axadle International Monitoring-Somalia










