Axadle | God. baarlamanka Jabuuti oo Soo Boqdey Muqdisho - Axadle

Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Fri05242013

Last update02:38:01 PM

Back Addunka World News Somalia God. baarlamanka Jabuuti oo Soo Boqdey Muqdisho

God. baarlamanka Jabuuti oo Soo Boqdey Muqdisho

  • PDF

December 12th Somalia Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti. Garoonka Muqdisho ayaa Guddoomiyaha  Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha  Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Xildhibaano ka tirsan  Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Jabuuti  ee howlgalka ujooga dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka  dalka Jabuuti Idiris Arnaa’ud Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka maanta ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ay tahay sidii loo  adkeyn lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Jabuuti iyo sidoo kale dalka  Soomaaliya.

Maxamed Cusmaan Sheekh Jawaari Guddoomiyaha  Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu  faraxsan yahay in maanta Magaalada Muqdisho uu soo gaaro Guddoomiyaha  Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha  Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa loo galbiyay Aqalka Baarlamaanka dalka  Soomaaliya halkaasi oo uu kula hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka  Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay  in Xildhibaanada ay yihiin wakiilo matalaya shacabka Soomaaliyeed loona  baahan yahay mar waliba inay ka fekeraan shacabkooda Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay ee Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu soo  gaaro Magaalada Muqdisho islamarkaana uu hortago Baarlamaanka  Soomaaliya.
Dowladda Jabuuti ayaa dalka Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo ku howlgala magaca AMISOM kuwaasi oo ku sugan Magaalada  Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi Hiiraan iyo Magaalada Muqdisho.

 

Axadle International Monitoring-Somalia

God. baarlamanka Jabuuti oo Soo Boqdey Muqdisho

Related Posts:
Warbixin oo uu soo bandhigay guddiga runta, cadaalada iyo dib u hesheesiinta Kenya ee (TJR
War qoraal ka soo baxay Madaxda iyo Saraakiisha sare ee Midowga Africa, ayaa waxaa lagu ma
Munaasabad ay soo abaabuleen Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan oo lagu
Ka dib Madaafiic toboneeyo ah oo Axadii habeenkeeda lagu garaaacay Aqalka Madaxtooyada Soo
Warka Laga Helaayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ee konfurta Soomaaliya ayaa
Xafladii sanadguurada 18ka May ee lagu qabtay magalaada Denhaag ayaa xalay ku dhamaatay da