Axadle | Gabigeeda waxa ay aheyd mid la is daba mariyay - Axadle

Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Thu05232013

Last update10:57:33 PM

Back Addunka World News Somalia Gabigeeda waxa ay aheyd mid la is daba mariyay

Gabigeeda waxa ay aheyd mid la is daba mariyay

  • PDF

January 2nd Somalia Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee maamulka Soomaaliland Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa gaashaanka u duray natiijadii dhawaan kasoo baxday doorashooyinkii Golaha deegaanka ee ka dhacay deegaanka Soomaaliland.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in natiijada kasoo baxday doorashada golaha deegaanka ay tahay mid aan cadaalad ku dheehneen, isla markaana Xisbiyadii ka haray doorashooyinkaasi ay ku hareen si xaq daro ah.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu sheegay in arrinta dhacday ay ka danbeeyeen dad ku dhaqaaqay Musuq-maasuq, isla markaana aan ka shaqeenin wax cadaalad ah.

“gabigeeda waxa ay aheyd mid la is daba mariyay oo la marin habaabiyay, sidii xaqa aheyd si aan aheyn baa laga dhigay” Ayuu yiri Eng. Feysal Cali Waraabe.

Xisbiyada ka dhisan Soomaaliland ayaa Muddooyinkii ugu danbeeyay ka qeyla dhaaminayay qaabka uu u dhacay doorashooyinkii Golaha deegaanka ee dhawaan kusoo idlaaday deegaanadaasi, balse hadalka kasoo yeeray Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu danbeeyay dibad-baxyo rabshado wata oo lagaga soo horjeeda natiijada doorashooyinka ay ka dhacayeen deegaano hoos yimaada Maamulka soomaaliland.

 

Axadle International Monitoring-Somalia

Gabigeeda waxa ay aheyd mid la is daba mariyay

Related Posts:
Munaasabad ay soo abaabuleen Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan oo lagu
Ka dib Madaafiic toboneeyo ah oo Axadii habeenkeeda lagu garaaacay Aqalka Madaxtooyada Soo
Warka Laga Helaayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ee konfurta Soomaaliya ayaa
Xafladii sanadguurada 18ka May ee lagu qabtay magalaada Denhaag ayaa xalay ku dhamaatay da
Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay maamulka Somaliland kala had
Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada iyo Dimoqraadiyada C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ku eedeeyay M