Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News Science Djibouti oo Cood dheer ku tageertey in xayiraad lagu soo rogo cidii ka hor-timaada Heshiiskii Kampala iyo Road Map

Djibouti oo Cood dheer ku tageertey in xayiraad lagu soo rogo cidii ka hor-timaada Heshiiskii Kampala iyo Road Map

  • PDF
IMG 71411

January 28th Dunidda \ Somalia Sidaa aan ka soo xigaanay Goob joogayal ku sugaan Halka shirka uu uga socdo Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo xalay shir ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ayaa isku raacay in xayiraad lagu soo rogo cidii ka hor-timaada Heshiiskii Kampala iyo Heshiiskii Road Map ee Khariirada Nabada Soomaaliya. Kulanka Madaxda IGAD oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Sudan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, Madax ka socotay Kenya, Uganda iyo Koofurta Sudan iyo Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Jerry Rowlings iyo madax kale.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Amb. Saciid Yuusuf Nuur ayaa sheegay in kulanka Madaxda IGAD looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Heshiiskii Kampala, Road Map iyo heshiiskii Garowe.

“Arrimaha ugu waa weyn ee shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa Heshiiskii Kampala Accord, Road Map iyo Heshiiskii Garowe, dhamaan waxaa la isku raacay in la hirgeliyo, isla markaana cid walba oo ka hor timaada tallaabo laga qaado”ayuu yiri Amb. Saciid Yuusuf Nuur oo la hadlay Idaacada BBC-da.

Amb. Saciid ayaa sidoo kale sheegay in kulanka IGAD looga hadlay sidii Ciidamada Itoobiya ee gudaha u galay Soomaaliya, kuwa Dowladda KMG, Ciidamada Kenya iyo AMISOM u dhex mari lahaa wada shaqeyn ku aadan sidii Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa Koofurta Soomaaliya.

“Qodobada kale ee muhiimada ahaa waxa weeyaan sidii Ciidamada ku sugan Soomaaliya iskaashi u yeelan lahaayeen, si looga adkaado Al-Shabaab”ayuu yiri Amb. Saciid Yuusuf Nuur.

Dowladaha Gobolka ayaa doonaya inay cunaqabateyn ku soo rogaan cid kasta oo caqabad ku noqotay Tubta Nabada iyo Heshiiyadii horay loo gaaray, inkastoo wali uu cirka isku shareerayo khilaafka Baarlamaanka dhexdiisa ah oo dhowaan Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Shariif Xasan, Gudoomiye u doorteen Madoobe Nuunow.


Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Waxaa la filayaa in mudo sadex bilood ah ay ku soo dhamaato waqtigii loo qabtay in lagu soo af-jaro
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Hamdi Hafez al-Nubi oo 28 jir ah kuna nool  Naga al-Simmanm oo u dhow magaalada Luxor koonfurta
Booliska dalka Kenya ayaa Sabtidii soo bandhigay muuqaalka nin u dhashay Jarmalka, kaasoo looga shak
Djibouti oo Cood dheer ku tageertey in xayiraad lagu soo rogo cidii ka hor-timaada Heshiiskii Kampala iyo Road Map