Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News Science Diyaarado dagaal oo xalay saqdii dhexe weeraray Kooxo Burcad badeed ah, xoogna uga soo furtay La heystayaal Ajaaniib ah

Diyaarado dagaal oo xalay saqdii dhexe weeraray Kooxo Burcad badeed ah, xoogna uga soo furtay La heystayaal Ajaaniib ah

  • PDF

January 25th Dunidda \ Somalia Diyaarado dagaal oo isugu jiray nuuca qumaatiga u kaca ee Helicopters iyo diyaarado Miigag ah ayaa xalay saqdii dhexe weerar lama filaan ah ku qaaday xadka u dhaxeeya Gobolada Mudug iyo Galgaduud, halkaasoo saldhig ku lahaayeen Kooxo Burcad badeed ah.

Diyaaradahan ayaa weeraray goob Burcad badeed ku heysteen shaqaale Ajaaniib ah oo u dhashay dalalka Denmark iyo Mareykanka, kuwaas oo u shaqeeyay Hey’adda qaabilsan dhinaca miino baarista oo lagu magacaabo DDG.

Sida ay sheegayaan wararka diyaaradahan dagaal ayaa la rumeysan yahay in Mareykanka leeyahay, waxaana ka hor inta aysan howl galka ku soo furan ay xalay ku dagteen Garoonka diyaaradaha Galkacyo, halkaas oo ay ka soo duuleen.

Wararka ayaa sheegaya in howl galkan uu ahaa mid qorsheysnaa isla markaana xog dhinaca milateri ah ka heysteen halka lagu heystay shaqaalaha ajaaniinta ee sanadkii hore lagu afduubtay Magaalada Galkacyo.

Howl galka diyaaradaha ay fuliyeen ayaa waxaa lagu dilay sideed ka tirsan Burcad badeedka, iyadoo si nabad ah ay kula wareegeen la heystayaashii u dhashay dalalka Denmark iyo Mareykanka, inkastoo wali aan la heyn faah faahin rasmi ah.

Ka hor inta uusan howl galkan fulin ayaa dadka deegaanka ay sheegeen in diyaaradahan ay isticmaaleen walxo kiimiko iyo sunta indhaha ka ilmeysiisa oo ay ku tuureen halkii burcad badeedka ku heysteen la heystayaasha ajaaniibta.

Saaka aroortii ayaa dadka deegaanka ay goobtii xalay saqdii dhexe howl galka ka dhacay ku arkeen Meydadka sideed ka tirsan burcad badeedka, iyo nin dhaawac daran ahaa, waxaana warar qaar sheegayaan in saddex kale oo Burcad badeed ah nolosha lagu watay.

Howl galkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee dhulka ka dhaco, muddo saddex sano ah, kadib markii sanadkii 2008-dii Ciidamada Kumandoska Faransiiska ay howl gal dhulka ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Baar-Gaal ku soo furteen la heystayaal Faransiis ah oo Burcad badeed ay afduub u heysteen.


Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Waxaa la filayaa in mudo sadex bilood ah ay ku soo dhamaato waqtigii loo qabtay in lagu soo af-jaro
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Hamdi Hafez al-Nubi oo 28 jir ah kuna nool  Naga al-Simmanm oo u dhow magaalada Luxor koonfurta
Booliska dalka Kenya ayaa Sabtidii soo bandhigay muuqaalka nin u dhashay Jarmalka, kaasoo looga shak
Diyaarado dagaal oo xalay saqdii dhexe weeraray Kooxo Burcad badeed ah, xoogna uga soo furtay La heystayaal Ajaaniib ah