Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan oo ay dhawaan la wareegeen Ciidamada itoobiya iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Ciidamada Huwanta ah, taasoo ay ku doonayaan In ay deegaano hor leh kula wareegaan.
January 14th Dunidda \ Somalia Sida wararku sheegayaan Ciidamada Itoobiyaanka oo ay wehliyaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya waxay u jiheysteen dhanka Degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan, si ay halkasi ula wareegaan.
Deegaanada Booxo iyo Garasyaani oo ay joogaan Ciidamada Xarakada alshabaab waxay dhankooda halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan taasoo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, waxayna samaysteen dhufeysyo waa waayn.
Deegaanadaasi waxay 65 KM dhinaca Bari kaga jiraan Magaalada Balad-weyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo ay dhawaan la wareegeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.
Xaalad cabsi ah ayaa soo wajahday dadka deegaanadaasi kadib markii ay dareemeen dhaqdhaqaaqyada ciidan oo ay samaynayaan Ciidamada iska soo horjeeda, taasoo abuuri karta in ay dagaalo dhex maraan dhinacyadaasi.
Ugu danbeyntii lama oga xaalada gobolka Hiiraan waxa ay ahaandoonto maadama ay ka jiraan xaalado dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan, wixii ku soo kordhana waxaan idin kugu soo sheegi doonaa wararkeena Danbe Insha Allaah.








