April 29th Dunidda \ Somalia Dagaal goos goos ahaa oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda KMG kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Xarakada Alshabaab ayaa saaka waabarigii hore ka dhacay qeybo ka mid ah aagaga la isku hor fadhiyo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo la isku weydaarsanayay hubka noocyadiisa kala duwan
Inkastoo dagaaladaas aanay aheyn kuwo sidaa u xooganaa ayaa hadana waxaa mararka qaar la maqlayay madaafiic goos goos aheyd iyo rasaas ay dhinacyada kala duwan aagagooda isaga weydaarsanayeen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in goobaha rasaasta saaka waabarigii hore laga maqlayay ay aheyd aagaga degmooyinka Boondheere iyo Hodan, oo ah goobaha iska hor imaadyada ugu badan ku dhex maraan dhinacyada kala duwan ee iska soo horjeeda.
Maalmihii u dambeeyay ayaa xaalado degenaansho oo aan sidaa cago badan ugu taagneyn laga dareemayay qeybaha Caasimada, waxaana dadka reer Muqdisho ay noqdaan kuwo hadba waayo aragnimo ka helay dagaalada iyo iska hor imaadyada joogtada noqday, kuwaasoo qeyb ka noqday nolol maalmeedkooda.
Lama soo sheegin wax qasaare ah ee ka dhashay dagaalkii goos gooska ee saaka ka dhacay qeybaha la isku hor fadhiyo, iyadoo goobaha inta badan la isku hor fadhiyo ay yihiin kuwo dadku ay waa hore ay ka barakaceen.
Axadle International Monitoring








