January 31st Dunidda \ Somalia Dagaal xoog leh ayaa ka socda deegaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho, kadib markii saaka waabarigii uu ka qarxay halkaas, iyadoo dagaalka uu ka soconayo jihooyin badan oo deegaanka xeebta ku yaal ee Jasiira ka tirsan.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo saaka soo qaadeen Xoogaga Al-Shabaab ayaa ka dambeeyay kadib markii labadii maalmood ee u dambeeyay ay soo buuxiyeen aagaga badan oo koofur galbeed magaalada ah.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dagaalka ay qeyb ka wada yihiin Ciidamada Dowladda, kuwa deegaanka iyo Ciidamada AMISOM oo halkaas saldhig milateri ku leh. Madaafiic laga ridayo Saldhiga ku yaal deegaanka Jasiira ayaa ku dhacaya goobo fog fog, waxaana dagaalka Shabaab ay xoogiisa ka soo qaadeen dhinaca wadada deexda ee gasha Shabellaha Hoose.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid Shabaabka ay kaga hortagayeen duulaan Dowladda qorsheyneysay in deegaanadaas kaga qaado dhanka Dhanaane ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Gaadiid dagaal oo aad u fara badan oo labadii maalmood u dambeeyay ka soo gudbayay dhanka Laanta Buuro iyo Dhanaane ayaa ku soo qul qulayay dhanka Koofur Galbeed magaalada Muqdisho.
Dagaalka saaka ka soconaya deegaanka Jasiira ayaa ah kii u horeeyay ee si xoogan labada dhinac ay isugu fara saareen, waxaana marka loo eego deegaankan uu muhiim u aha difaaca Xarunta Xalane oo saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.
Deegaanka Jasiira ayaan ka mid aheyn aagaga dagaalka ama meelaha isku dhacyada looga bartay, ha yeeshee Istiraatiijiyadan cusub ayaa ah mid Al-Shabaab ay halkaas aag cusub dagaal kaga furayaan, maadaama Saldhigyo Milateri ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.
Wixii warar ee ku soo kordha








