Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News Science Ciidamada Somaliland oo rasaas ku furay dad dibad bax ballaaran ka waday Magaalada Laascaanood

Ciidamada Somaliland oo rasaas ku furay dad dibad bax ballaaran ka waday Magaalada Laascaanood

  • PDF
Lascaanood-Mudaharaad2

January 21st Dunidda \ Somalia Ciidamada Somaliland ayaa rasaas sababtay dhimasho iyo dhaawac waxay maanta ku fureen dad rayid ah oo banaan bax ka dhan ah Somaliland ka dhigay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Sida ay sheegayaan wararka ilaa lix ruux ayaa ku dhimatay toban kale waa ay ku dhaawacmeen rasaasta ay fureen Ciidamada Somaliland.

Isku dhacyo ayaa la sheegay inuu dhex maray banaan baxayaasha iyo Ciidamada Somaliland, iyadoo xaalada Magaalada Laascaanood ay tahay mid kacsan.

Wararka ayaa sheegaya in dadka banaan baxayay oo sitay calanka Somalia ay ku qeylinayeen halku dhigyo ka dhan ah maamulka Somaliland, kuna soo dhoweynayeen Maamulka Khaatumo State ee dhowaan lagu dhawaaqay.

Sidoo kale Ciidamada ayaa la sheegayaa inay xireen ilaa sodomeeyo ruux oo ka mid ahaa dadkii banaan baxa waday.

Banaan baxan rabshadaha watay ee qasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ka dhashay ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor lagu dhawaaqay Hogaanka Maamulka Khaatumo State oo yeelan doona Saddex Madaxweyne iyo Lix Wasiiro.

Maamulka Somaliland ayaa dhowaan ka soo horjeestay shirka Taleex ee lagu go’aamiyay in Maamul Goboleed lagu dhisay, iyadoo dhowaan ay duulaan ku qaadeen Magaalada Buuhoodle.


Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Waxaa la filayaa in mudo sadex bilood ah ay ku soo dhamaato waqtigii loo qabtay in lagu soo af-jaro
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Hamdi Hafez al-Nubi oo 28 jir ah kuna nool  Naga al-Simmanm oo u dhow magaalada Luxor koonfurta
Booliska dalka Kenya ayaa Sabtidii soo bandhigay muuqaalka nin u dhashay Jarmalka, kaasoo looga shak
Ciidamada Somaliland oo rasaas ku furay dad dibad bax ballaaran ka waday Magaalada Laascaanood