Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News Science Ciidamada Nabasugida oo soo bandhigay wiil dhalinyaro ay sheegeen inuu isku qarxin rabay garoonka diyaaradaha

Ciidamada Nabasugida oo soo bandhigay wiil dhalinyaro ay sheegeen inuu isku qarxin rabay garoonka diyaaradaha

  • PDF
qarxiinrabay

February 1st Dunidda \ Somalia Ciidamada Nabasugida qaranka ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa shalay gelinkii dambe soo bandhigay wiil dhalinyaro ah oo ay ka qabteen shalay garoonka diyaaradaha, kaasoo in muddo ah ay ku daba jireen.

Taliyahja Ciidamada Nabadsugida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Col. Burhaan Maxamed Cali Kaar ayaa sheegay in wiilkan dhalinyarada ay ku raad-joogeen, isla markaana marar badan u fududeeyeen inuu garoonka galo, si ay dhaq dhaqaaqiisa ula socdaan.

“Wiilkan dhalinyarada in muddo ah ayaan ku raad-joognay, waxaan qabanay shalay isagoo sawiranayay qeybaha garoonka, si uu ogaado, isla shalay wuxuu gudaha garoonka ka gatay Camera, markii loo soo xawilay, qeybta VIB-da ayuu sawiranayay”ayuu yiri Col. Burhaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalintii jimcaha uu Madaxweynaha ka dhoofayay garoonka diyaaradaha uu joogay garoonka iyo shalay oo uu Madaxweynaha soo degay, si uu u fuliyo howsha loo soo diray.

Col. Burhaan ayaa sheegay in ninkan ka qabteen qeybta VIB-da, isla markaana uu damacsanaa inuu garoonka isku qarxiyo, xilliga Madaxweynaha dhoofayo ama soo degayo sida uu yiri

Wiilkan dhalinyarada oo lagu magacaabo Ismaaciil Axmed Yuusuf oo 20-jir ah, ayaa sheegay inuu ka yimid Ceelasha Biyaha, waxaana uu tilmaamay in muddo afar maalmood uu howlo indha indheyn ka waday garoonka diyaaradaha Muqdisho, si uu u sahmiyo, waxaana uu sheegay inuu ku dhashay Magaalada Kismaayo, kana tirsan yahay Al-Shabaab

Hey’adda Nabadsugida ayaa waday howl galo ay ku qab qabaneysay dadka ay uga shakiso inay ka tirsan yihiin Shabaab, isla markaana mudooyinkii u dambeeyay howl galadaas ay noqdeen kuwo joogto ahaa.


Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Waxaa la filayaa in mudo sadex bilood ah ay ku soo dhamaato waqtigii loo qabtay in lagu soo af-jaro
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Hamdi Hafez al-Nubi oo 28 jir ah kuna nool  Naga al-Simmanm oo u dhow magaalada Luxor koonfurta
Booliska dalka Kenya ayaa Sabtidii soo bandhigay muuqaalka nin u dhashay Jarmalka, kaasoo looga shak
Ciidamada Nabasugida oo soo bandhigay wiil dhalinyaro ay sheegeen inuu isku qarxin rabay garoonka diyaaradaha