April 24th Dunidda \ Somalia
Xarakada Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay dagaal kala hortagi doonto Ciidamada Jabuuti ee dhowaan la filayo in la geeyo Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan. Read more...
Somalia
Al-Shabaab oo mar labaad ku goodiyay inay la dagaalamayaan Ciidamada Jabuuti ee ku soo wajahan Beledweyn
- 24 April 2012
- Axadle
- Hits: 106
Madaxda ugu sareysa dowladda oo hambalyo u diray Ciidamada xooga dalka
- 23 April 2012
- Axadle
- Hits: 73
April 23rd Dunidda \ Somalia
Madaxda ugu sareysa dalka oo maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagayay 52-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada xooga dalka ayaa maanta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo Ciidamada ay gaada ka ciyaar, socod ku soo mareen Dekedii hore ee duqda, halkaasoo salaan sharaf ku siiyeen Madaxweynaha. Read more...
Xiriirka Kubada Cagta ee Djibouti oo qalab Isboort siiyay somaliland Xili dhalinta reer Djibouti ay uu bahantahay
- 23 April 2012
- Axadle
- Hits: 81
April 23rd Dunidda \ Somalia
Xiriirka kubadda cagta ee Djibouti ayaa qalab kala duwan oo xagga ciyaaraha ah ugu deeqay xiriirka kubadda cagta ee maamulka Soomaaliland , kaasoo lagu gudoonsiiyay xafladii lagu soo gabagabeynayay tababarkii garsoorayaasha kubadda cagta Soomalida ee Djibouti ka dhacay. Read more...
Muddo 21-sano ka dib Muqdisho oo Lagu Wado in ay noqoto Casimadda ugu nabad wanaagsan Calaamka
- 22 April 2012
- Axadle
- Hits: 80
April 22nd Dunidda \ Somalia
Munaasabad balaaran oo maanta lagu qabtay Xarunta gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan xukumadda KMG Soomaaliya, Maamulka gobolka Banaadir, ururada bulshada rayidka, dhallinyaro, Abwaano, Haween iyo bahda Saxaafadda, iyadoona lagu shaaciyay in Magaalada Muqdisho muddo 21 sano kaddib ay marti galinayso Shirweyne Caalami ah. Read more...
Ma Dhabbaa In Guddoomiyaha Baanka Jabuuti Muddo Todobaad Ka Badan Hargeysa U Joogo Ujeedooyin Saamayn Ku Leh Hogaaminta Hargeysa Oo Dawlada Jabuuti Wadato..?
- 22 April 2012
- Axadle
- Hits: 93
April 22nd Dunidda \ Somalia
Caasimada Gobaladda Waqooyi Galbeed ee Hargeysa ayaa waxa si qarsoodi ah ugu sugan Guddoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd. Guddoomiyaha baanka Jabuuti Mr Xayd oo Magaaladda Hargeysa yimid ka maalin ka hor qabsoomidii shirwaynihii urur siyaasadeedka WADANI ayaan warbaahinta iyo shacabkuba aanay ka war-bixin imaanshiyihiisa. Read more...
Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Moses Watangula oo Muqdisho ku sugan
- 22 April 2012
- Axadle
- Hits: 64
April 22nd Dunidda \ Somalia
Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Moses Watangula iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo wada hadalo la leeyihiin madaxda ugu sareysa dowladda. Read more...
Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay Ciidamada Dowlada ee Gedo.
- 22 April 2012
- Axadle
- Hits: 68
April 22nd Dunidda \ Somalia
Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobalka Gedo ayaa sheegay inay dhankooda isu soo dhibeen dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab. Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobalka Gedo ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo sidoo kale ciidamo islamarkaana ay isku soo dhiibeen ciidamadda dowladda ee ku sugan deegaanka fax-faxdhuun ee Gobalka Gedo. Read more...
Madaxweynaha oo waraaqihii aqoonsi ka gudoomay Safiirka cusub ee Falastiin u soo magacawday Somalia
- 21 April 2012
- Axadle
- Hits: 69
April 21st Dunidda \ Somalia
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Falastiin u soo magacawday Soomaaliya, isagoo kaga gudoomay waraaqihiisa aqoonsiga. Read more...
Mahiga oo Hargeysa u yimid dhexdhexaadinta Wadahadalka Somaliland iyo Somaliya
- 21 April 2012
- Axadle
- Hits: 82
April 21st Dunidda \ Somalia
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya ayaa goor dhaweyd ka soo degay madaarka Hargeysa, waxaanu War-fidiyeenada u sheegay ujeedada Socdaalkiisu inay tahay sidii uu dhex-dhexaadin uga gali lahaa khilaaf ka dhashay geedi socodka wadahadalada Somaliya iyo Somaliland. Read more...
Ehelada Turjubaankii Safaarada Turkiga oo codsaday in Maxkamad la soo taago gacan ku dhiiglaha dilay
- 20 April 2012
- Axadle
- Hits: 92
April 20th Dunidda \ Somalia Mid ka mid ah Ehelada Turjubaankii u shaqeynayay Safaarada Turkiga ee shalay lagu dilay agagaarka Isgoyska KM4 ayaa ka codsaday Dowladda KMG inay cadaalada horkeento gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilkaas oo ahaa askari ka tirsan dowladda. Read more...
Wasiirka dhaqanka Sweden oo cunsuriyadii ugu weyneyd lugaha la gashay [Video]
- 19 April 2012
- Axadle
- Hits: 104
April 19th Dunidda \ Somalia
Wasiirka dhaqanka Sweden Lena Adelsohn Liljeroth ayaa loogu baaqay in ay xilka isaga degto ka dib markii ay ka qeyb qaadatay jarida toorto lagu tilmaamay cunsuriyad. Read more...
Wargarad ka soo kala jeeda Waqooyi iyo Konfuur oo soo dhaweeyay wada hadallada dowladda iyo Gobalka Waqooyi Galbeed
- 19 April 2012
- Axadle
- Hits: 113
April 19th Dunidda \ Somalia
Wargaradka iyo aqooyahannada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibedda ku nool ayaa soo dhaweeyay wada hadallada dhawaan dhexemari doona dowladda Soomaaliya iyo maamulka waqooyi galbeed ee Somaliland. Read more...
Madaxweynaha oo kormeeray Xarunta Gaadiidka Booliska oo lagu qabanayo shirweynaha ansixinta Dastuurka
- 19 April 2012
- Axadle
- Hits: 86
April 19th Dunidda \ Somalia
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gelinkii dambe ee maanta kormeer howleed ku tegay xarunta Gaadiidka Booliiska halkaasi oo xiligan ka soconayo dib u dhis xoogan. Read more...
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo xalay howlgal ballaaran ka sameeyay Yaaqshiid, Dayniile iyo Wardhiigley
- 19 April 2012
- Axadle
- Hits: 68
April 19th Dunidda \ Somalia
Ciidamada Nabadsugida ee sida gaarka ah u howl gala ayaa xalay kubaareeyay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir, halkaasoo maqribkii ilaa waaga markii uu baryay ku sugnaa. Read more...
Lataliyihii Saxafaadda Ee Madaxweynihii Hore Ee Puntland Oo Xabsiga Boosaaso La Dhigay
- 17 April 2012
- Axadle
- Hits: 86
April 17th Dunidda \ Somalia
La-taliyihii dhinaca Saxaafadda ee madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse oo lagu magacaabo Bile Maxamuud Qabowsade kana mid ah weriyeyaasha ugu caansan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa xalay magaalada Boosaaso lagu xiray. Read more...
Alshabaab Oo Britain Uga Digtay In Sheekh Abuu Qataada Alfalastiini Ay Ku Wareejiso Jordan
- 17 April 2012
- Axadle
- Hits: 101
April 17th Dunidda \ Somalia
Xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa ugu hanjabtay dowladda Britain cawaaqib xumida ka dhalan karta haddii Sheekha Falastiiniga ah ee Abuu Qataada Alfalastiini ay gacanta u gelsio dalka Jordan. Read more...
Jen. Gaafow "Waa isa soo tarayaan dadka Soomaaliyed ee dib loo soo celinayo, ilaa hada 30-ruux ayaa la soo tarxiilay"
- 17 April 2012
- Axadle
- Hits: 86
April 17th Dunidda \ Somalia
Madaxa Laanta Socdaalka Dowladda KMG Jen. C/llaahi Gaafow ayaa sheegay inay isa soo tarayaan dadka dib loogu soo celinayo Soomaaliya, kadib markii maalmihii la soo dhaafay la soo celiyay ilaa sodomeeyo Soomaali oo la soo tarxiilay. Read more...
Weerar is qarxin ah oo saaka ka dhacay Magaalada Baydhabo
- 17 April 2012
- Axadle
- Hits: 71
April 17th Dunidda \ Somalia
Weerar Ismiidaamin ayaa saaka ka dhacay Magaalada Baydhabo, kadib markii nin waxyaabaha qarxa xirnaa oo doonayay inuu galo Madaxtooyada Baydhabo Ciidamada dowladda ka shakiyeen, iyadoo ninkaas isu ekeysiiyay qof ka soo adeegtay suuqa saaka subaxdii hore, doonayna inuu maro wadada Madaxtooyada hor marta. Read more...
Ciidamo Boolis ah oo si lama filaan ah loogu wareejiyay Amniga Hey'adaha Turkiga ee Muqdisho ku sugan
- 17 April 2012
- Axadle
- Hits: 79
April 17th Dunidda \ Somalia
Hey'addaha Ammaanka Dowladda ayaa si lama filaan ah Ammaanka Xarumaha Hey'adaha Turkiga ugala wareegtay, iyadoo llaaladii hore lagu bedelay Ciidamo Boolis ah oo hoos imaanaya Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka. Read more...
Ammaanka Hoyga Ra'iisul Wasaaraha oo ay la wareegeen Ilaalada Madaxtooyada
- 17 April 2012
- Axadle
- Hits: 75
April 17th Dunidda \ Somalia
Warar si xoogan isa soo tarayay saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegayay in ammaanka Xafiiska Ra'isal wasaaraha ay la wareegeen Ilaalada Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kadib tuhuno la xiriiray qaar ka tirsan Ilaaladiisa oo maalmihii u dambeeyay jiray, iyadoo la xiray qaar ka tirsan Ilaalada Xafiiskiisa. Read more...
Maamulka Khaatumo Oo Dhaliilay Guddiga Madaxweyne Shariif U Magacaabay Wadahadalka Somaliland
- 16 April 2012
- Axadle
- Hits: 101
April 16th Dunidda \ Somalia
Xubno ka socda maamulka Khaatumo ayaa shir jaraa’iid oo ay ku qabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku cambaareeyey guddiyada dhawaan ay magacaabeen Dowlada Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland ee shaaciyey in wadahadal dhexmari doono. Read more...








