Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Addunka World News Science Afar askari oo Maraykan ah oo ku dhimatay dayuurad ku burburtay dalka Jabuuti.

Afar askari oo Maraykan ah oo ku dhimatay dayuurad ku burburtay dalka Jabuuti.

  • PDF
aircrach dj

February 21st Dunidda \ Somalia Ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah ee dowlada Maraykanka ayaa ku dhintey kadib markii dayuurad nooceedu yahay kuwa wax basaasa ay ku burburtay meel u dhow saldhig milatari ee ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin dalka Jabuuti. Dayuuradan oo soo dhacday sabtidii ayaa ka soo laabatay dalka Afganistan waxaana u kala cararay burburka dayuuradan ciidamada Maraykanka ee kusugan saldhigga Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti.

Burburka dayuuradan ayaan la ogeyn sababta keentay iyadoo la sheegay in la baarayo sababta ay burburtay dayuuradan.

War ka soo baxay ciidamada Maraykankana waxa ay sheegeen in dayuuradan ay ku gudajirtey markii ay soo dhaceysey howlaheedii caadiga ahaa ee sahanka iyo sirdoonka.

Dayuuradan ayaa ku burburtay meel u jirta lix meyl oo qura saldhiga ciidamada Maraykanka ay ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Dowlada Maraykanka ayaa ka samaysatay saldhig milatari dalka Jabuuti iyadoo saldhigaasina uu yahay mid ay kusugan yihiin ciidamada sirdoonka iyo sahanka u qaabilsan Maraykanka iyo sidoo kale dayuuradaha Drones la yiraahdo oo aanay cidna wadin weeraradana geysan kara.


Related Posts:
Dawladaha aduunka ayaa tartan iyo hardan xoogan waxay ugu jiraan sidii midba uu ku heli lahaa macluu
Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal Ceelasha Biyaha ku soo bandhigtay Askari Itoob
Waxaa la filayaa in mudo sadex bilood ah ay ku soo dhamaato waqtigii loo qabtay in lagu soo af-jaro
Al-Shabaab ayaa soo bandhigay aqoonsiga, sawirka iyo darajada Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Br
Hamdi Hafez al-Nubi oo 28 jir ah kuna nool  Naga al-Simmanm oo u dhow magaalada Luxor koonfurta
Booliska dalka Kenya ayaa Sabtidii soo bandhigay muuqaalka nin u dhashay Jarmalka, kaasoo looga shak
Afar askari oo Maraykan ah oo ku dhimatay dayuurad ku burburtay dalka Jabuuti.