Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Tech Technology News Personal Tech Uruurka Isku taga Qowleystada shabakadda internetka oo Ku Hanjabay In ay Hawadda ka sarayan Facebook Bari

Uruurka Isku taga Qowleystada shabakadda internetka oo Ku Hanjabay In ay Hawadda ka sarayan Facebook Bari

facebook hacker

November 4th Aladaha \ Personal Tech Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aan ka helayno Barta internetka ee wax laysku weydarsado ee loo yaqaan twitter ayaa lagu dabacay in Bari oo ku beegan 5 November 2011 Facebook la jabsaan doono, Arrintaan ayaa walwal Galisay milkilaha shabakadda Facebook sidaas waxaa yirii Qabiir ku taqasuusay Falaqeynta Amaanka Qawleysatadda Internetka ka qarabata oo magaciisa la yirahdo Joakim von Braun.

Tariikh Lama ilaawan ayey noqondoonta Haddii Ay uu suurta gasho in ay jabsadaan,

Qawleysatadda isbahaystay, Bishii aan soo dhafnay ayey aheyd mar ay soo dhigeen Barta internetka ee youtube Muqaal Cod la socdoo oo ay ku hanjabayeen in ay jabsan doonaan 5 Nofembar ee sanadkan,

Jaraa'idka Aftonbladet ee ka soo Baxaa Dalka sweden ayaa Boga hore ku soo dabacay Maanta Sawirweyn oo mujinayaa Cagajuleynta Koxdaani isaago jaraa'idku faahfahin dheeraad ah uu ka bixiyey sidaa ugu macquulsaan ee uu Maamulka sare ee facebook ay isku badbaadin karaan,

Fariinta ay dhigeen Barta internetka ayaa sidaan uu Qorneyd,''Maclumaadka keydka ah ee kujira facebook Kama qarsoona lamaha amaanka, Haddba sidaas darteed madama aad maclumaadkeena aad siseen Lamaha Amaanka anaga waxaa naga go'aan ayey leyihiin in aan hawadda aan ka saaro Facebook oo uu tariikhda uu Gasho Maalinta Bari ah,Haddaba Qofkaste oo daneynaya in aan Qadno talabadaas nagu soo biir sii aan meesha uga saarno wax logu yeero shabakadda xiriirka bulshadda oo Baryahaan noqotay mid ugudbisa maclumaadka shaqsiyaadka Lamaha Amaanka ee Dalalka Masar iyo Syria

Haddaba Sidaa ay sheegayaan Qabiradda ku taqasuusay dhanka Amaanka Shabakadaha internetka,Waxaay yirahdeen Waaba Haddii ay uu diyaargarobeen Maamulka Amaanka ee Facebook in ay ka hortagaan hanjabadaan soo wajahday facebook,Waxaay uu bahan yihiin in ay helan qeyb kale oo ay ku keydiyaan Maclumaadka bulshadda adeegsata shabakadooda sii aysaan hawada uga bixin oo ay keydka kale ku xiraan  Haddii ayba dhacdoo in la jabsado Qasnadda Kowaad waa in ay shidii karaan Qasnadda keydka ah oo Maclumaadkii oo dhan ay ku jiraan keydka ahaan ah.

Isku soo wada duboo Hanjabadan ayaa ku soo beegmaysa xili maalmo uun ka hor ay ku hanjabeen kox kale oo iyagana sheegtay in ay ka mid yihiin Uruurweynaha iskutaga Qawleysatadda shabakadda internetka in Haddii aan la soo deyn mid ka mid ah koxdooda oo lagu qabtey Dalka Mexico, Koxdaan ayaa waxaay hanjabadooda ku jirtay in ay soo dabicii doonaan Cinwaanka shaqsiyaadka ka shaqeyey in la qabto Ninkan ka midka ahaa koxdooda ee Ay gacanta ku dhigeen bolisku. Waxaa laga war sugaaba waa ciyaarta Halka ay ku dhammato iyo difaac ay hastaan Maamulka facebook oo laga warsugaayo in uu badbaadiyo Shabakadooda.

Hadaba Maalinta Barito ayaa waxaa caalamka isha lagu wada hayaa Aalada loogu istecmaalka badan yahay ee Facebook, iyadoona dadka inta badan ay durba bilaabeen in ducumentiyadooda muhiimka ah iyo sawiradooda ay la baxaan..

Xigaasho: http://www.aftonbladet.se/nyheter/article13888401.ab

Qore Ali Musa

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


Related Posts:
Shirkada soo saarto qalabka aduunka ugu yaabka badan ayaan markii ugu horeysay wax ay ku guuleysatay
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aan ka helayno Barta internetka ee wax laysku weydarsado ee loo y
Uruurka Isku taga Qowleystada shabakadda internetka oo Ku Hanjabay In ay Hawadda ka sarayan Facebook Bari