Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Mon05212012

Last update08:22:43 AM

Back Health Health News Natural Health Gabar 19 sano jir ah oo oomada & saabuun cunista maaro looga la’yahay

Gabar 19 sano jir ah oo oomada & saabuun cunista maaro looga la’yahay

February 15th Cafimaadka \ Natural Health gabarsabunGabar 19 sano jir ah oo u dhalatey wadanka Mareykanka ayaa soo jiidatey dareenka saxaafada caalamka ka dib markii gabadhaasi ay sheegtey inay qabitintay oo ayba ka jeceshay cuntada caadiga ah inay sidii cuntada oo kale u cunto saabuunta qubeyska iyo oomada dharka lagu dhaqdo Gabadhaas 19-sano jirka ah ee lagu magacaabo Henderson ayaa sheegtay in ay ka sheeganeyso xaalad adag oo ku qasbeysa in 5-cad oo saabuun ah cunto asbuucii taasi oo ay isu dheer tahay cabista oomada iyo shaambada.

Waxa ay sheegtay in markii ugu horeysay ay gacanta ku shubatay shaambo oo afkeeda ay gilisay ka dib ay dareentay in dha-dhan dhanaan xigeen iyo macaan ay dareentay intaa ka dibna ay la qabsatay .

Tempestt Henderson oo degan gobolka Florida ayaa sheegatey in ay shan baakad oo saabuun ah ay cuntay mudo asbuuc iyadoo sidoo kale sheegtey in saabuunta kale ee budada ah ee dharka lagu dhaqo ee Omada ay cunto.

“Markii iigu horeysay ee aan dhadhamiyo oomada waxaan xusuustaa inay aheyd macaan ama dhadhan wanaagsan, waxaan faraha dhex gashadey oomo ka dibna cunay” ayay tiri Tempestt oo ilaa xiligaasi ka dambeeyey caado ka dhigatey inay oomada iyo saabuunta daliiqdo.

saabun_cunto2

Gabadhan oo aheyd ardeyad barata caafimaad waxay sheegtey inay ogeyd in cunista saabuunta ay tahay qatar dhanka caadimaadka ah, laakiin waxay sheegtey in subixii marka ay soo toosto ay aad u jecleyd in waxa ugu horeeya ee ay afka saarto ay aheyd saabuunta.

Tempestt waxay kaloo sheegtey in xiliyada qubeyska ay jeceshay inay saabuunta gaar ahaan tan midabka cagaarka leh ay dhuuqdo oo waliba si aad ah u dhuuqdo.

Lix bilood oo ay gabadhani saabuun cunista waday ka dib waxay u tagtey dhakhtar iyadoo u sheegtey caadada saabuun cunista waxaana dhakhtarku uu ku siiyey digniin in hadii aanay joojin ay halis ku jirto nafteedu oo ay u dhiman karto kiimada saabuunta ku jirta.

Dhakhaatiirka xaalada gabadhan darsay ayaa sheegay in caadada gabadhan ee saabuun cunista ay tahay xaalad naadir ah oo lagu magacaabo PICA oo ah diagnose

saabun_cunto3

Xeeldheerayaasha caafimaadku waxay sheegeen inay jiraan dad badan oo ay ku dhacdo xaaladan oo kale kuwaasi oo qaarkood jecel inay cunaan biro, shilimaad ama sanuuda lacagta, batariyo, buraashka cadeyga, jeestada wax lagu qoro iyo waxyaabo kale.

Dhakhaatiirta xaalada Tempestt ayaa sheegey in ay aaminsan yihiin in gabadhan sababta arinkaasi ku xambaartey ay tahay iyadoo uu ku dhacay isku buuq ama stress, iyadoo markii la wareystey gabadhaasi ay sheegtey in amuurtaasi ay isku aragtey ka dib markii uu dayacay wiil ay saaxiibo ahaayeen sida ay sheegtey.

“Dhab ahaantii xaaladuhu waxay igu noqdeen kuwa isku qasan markii aan ka harnay Joson (saaxiibkeed), isla markaana uu ka tagay College-ka,wuxuu ii sheegay in uu aadayo College ku yaal magaalada Kansas, halkaasi oo uu doonayey in uu ku barto cilmiga dhaqaalaha, waan barayey si uu xiriirka u siiyo waqti dheeraad ah laakiin wuu diiday waxaana uu ii sheegay in uu dhamaaday xiriirkaasi, markaasi waan jahwareray” ayay tiri Tempestt Henderson.

Laakiin dhakhaatiirtu waxay sheegeen in hadii Tempestt Henderson aanay si deg degin ku laadin balwadada saabuun cunista in ay halis ugu jirto geeri.


Related Posts:
Gabar 19 sano jir ah oo u dhalatey wadanka Mareykanka ayaa soo jiidatey dareenka saxaafada caalamka
Calaamadaha lagu garto cudurada xubinta taranka gabadha waxaa ka mid ah sida xubinta taranka haweenk
Aenean Vestibulum nibh quis Morbi porta tincidunt Ut pretium justo sed. Sem vitae Vestibulum et vi
Aenean Vestibulum nibh quis Morbi porta tincidunt Ut pretium justo sed. Sem vitae Vestibulum et vi
Aenean Vestibulum nibh quis Morbi porta tincidunt Ut pretium justo sed. Sem vitae Vestibulum et vi
Gabar 19 sano jir ah oo oomada & saabuun cunista maaro looga la’yahay