October 17th Natural Health Kumaan kun oo Tan oo Hilib Doofar Ayaa waxaa Loga iibiyey Dukaamadda Waaweyn in U yahay Hilib lo'aad oo kale Sidaas Waxaa Yiri Laanta Uqaabilsan Dhuniga Dalkan Sweden ee Afka Qalad Lagu yirahdi (Livsmedelsverket) Sidoo Kale Laanta Dhuniga u qabilsan sweden waxaay yurub oo dhan ku Wargalinaya In ay arrintaan jirto qatarteedana ay ledahay.
Hilibkan oo Laga soo ibiyey Dal kale Ayaa waxaa la Ogaadey in uu saan Aheyn Hilib lo'aad Markii mid ka mid ah Macamishisa Dukaanka jumladda ee Svensk Cater dib ugu soo celieyey Hilib uu ka Ibsadey oo uu ku sheegay in uu aad uu jilicsaan yahay oo usaan aheyna sidaa kan lo'da oo kale, Sidaa uu soo xigtay Jaraa'idka Maalinlaha ee Dalka sweden Afka Qaladna Lagu yirahdo Svenska Dagbladet (SvD).
Markii uu Dukaanka Jumladda ka Dalbadey Hilib Laanta Qeybinta Hillibka U qabilsan Dalka sweden Waxaa Dukaanka loo keenay Hilib lagu soo baceyey in uu yahay Hilib lo'aad kana yimid Dalka Hungary. Balse Hilibku Ma aheyn Hilib lo'aad.
"Mudane Thomas Narving Waxaa uu ka mid yahay Shaqaalaha Dukaanka Svenska Cater Waxaa uu yirii Waxaan isku deyney in aan furno mid ka mid ah hilibkii aynu Dalbaney oo aan tijaabino, Balse Waxaan ogaaney in uu hilibka La soo ranjiyey oo u saan aheyn hilib lo'aad oo sax ah, Hadda Arrinta ayaa ka yaabisay Maamulka Dukaanka.
Arrintaa kadib Hilibka waxaa loo Diraay Laanta Dhuniga U qabilsaan Sweden Si Ay baaris ugu sameyso, Laanta Dhuniga uqabilsaan Sweden waxaay soo Cadeysay in uu hilibku yahay Hilib doofaar oo la soo Ranjiyey oo usaan aheyn hilib lo'aad oo sax ah.
Hadaba laanta Dhuniga Uqabilsaan Sweden ayaa soo Saartey digniin ay u jeedineyso dhammaan dadyowga ku dhaqan qaraadan Yurub in Ay ka digtoonadaa Hilibkaas iskana firiyaan Inta aysaan karsan hilibka Ay suuqyadda Yurub lagu ibiyo , Dhibka Ma ahaa Hilibka ee waa Ranjiga lasoo Mariyey ayaa Halis Galin karaa Cafimaadkaga Sidaas waxaa yiri Laanta Dhuniga u Qabilsan Dalka Sweden.
Waxaa kale Lagu Wargaliyey Boliska Dhamaan intii ka ibsatey Dukaanka Heat AB oo Jumlo ahaan uga qaadatey Hilibka. Sii Cafimaadka Bulshadda loo Daryeelo logana Hor taago Qatar kaste oo ku imaan karta Qofka Cafimaadkiisa.
Inkasto uu Dukaanka Jumladda ee Svensk Cater Usaan Macaamishisaa Ka ibin Hilibka Been Abuurka ah , Balse Ma caado in Hilibka uu ku jiro Suuqa oo Horey loga ibiyey Maqayadaha Cunadda laga Cuno iyo Dabcan Hoteladda Dalka ka jiraa.
Shirakada Heat AB Waxaay iska fogeysaay In ay ka war qabtey Hilibka, Balse waxaay sheegtey In ay ka soo Ibsatey shirkada ku taal Dalka Hungari oo ay uga soo Ibsatey Hilib lo'aad ahaan ee aysan ka warqabin in uu ahaa Doofaar la ranjiyey,
"Aad Ayaan uga Argagaxney Markaan Maqalnay Arrintan," Sidaas Waxaa yiri Mid ka tirsaan Shirkadda Heat AB oo Magaciisa la yirahdo Åke Hultberg.
Sanadkan gudihisaa Waxaa ay Heat AB ay ka soo Ibsatey Dalka Hungeeri 30 ilaa 40 tan oo Hilib ah Arrintaa oo Walac ku Abuurtey Bulshadda Ku dhaqan Dalkan Sweden iyo Qarada Yuruba In Hilibka uu yurub ku Faafaey iyo in kale.
Maamulka Degmadda Svalövs ee ay Xaruunteda weyne ee Heat AB ay ku taal waxaa ay sheegeen in ay ku wargaliyeen boliska arrintaa sii talaabo loga qaado shirkadaan oo ka gadatey Hilib shirkad aan warqad sax ah oo cadeynayaa Halka Hilibka uu Asal ahaan ka yimid haysanin.
Soo Turjume Ali Musa
Axadle International Monitoring- Sweden







