Axadle | Haweeney Caado ka dhigtay in ay Cunto Dhagxaanta sida cuntada - Axadle

Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Sat05182013

Last update08:11:22 PM

Back Life Life and Style News Mother & Children Haweeney Caado ka dhigtay in ay Cunto Dhagxaanta sida cuntada

Haweeney Caado ka dhigtay in ay Cunto Dhagxaanta sida cuntada

November 6th Mother and Children Haweenka caalamka ku nool badankood ayaa ah kuwo ku raxeesta cunista cuntooyin kala gadisan iyadoo waqtiyada nasashadana cunaan waxyaabo macmacaan ah oo ay ka mid tahay shuklaatada.  

 Lakiin waxaa arinkaas gabi ahaanba laalay haweeneyda lagu magacaabo Teresa widener oo badalka cuntada daruuriga badalkeed ay cunto dhagxaan kuna raaxeesato. Teresa oo ay da’deedu tahay 44 sano kuna nool magaalada Bedford gobalka Virginia dalka Maraykanka ayaa sheegtay in 20 ki sano ugu danbeesay cuneesay dhagxaanta waxa ayna intaasi raacisay in ay ku raaxeesato cunista dhagxaanta.  

Halki isbuuc kaliya ayay cuntaa Teresa ilaaa hal kiilo iyo bar dhagxaan ah iyadoo gabi ahaanba inta ay soo waday cunista dhegxaanta ay soo cuntay kun iyo afar boql oo kiilo dhagxaan ah.   Inta badan haweeneydan ayaa soo aruursato dhegxaan ay sheegtay in ay aad u macaan yihiin oo ay calaajin ama ruugi karto qaarka ay dhib ku noqoto calajintooda ayay sheegtay in ninkeeda uu ujajabiyo.  

“Waxaan dareemaa raaxo iyo deganaan dheeraad ah markaan cunaayo dagxaanta oo aanan helin marka aan cuneen” sidaasi waxa tiri Terese.

Dhakhtar baaritaan caafiimad ku sameeyay haweenaydaan ayaa sheegay in uu haayo cudur la yiraahdo Pica cudurkan oo ah in uu qofka luumiyo fitimiinka loo yaqaan feerada dabadeedna sababto dhiig yari.   Cudurkaan Pica dadka qaba ayaa ah kuwo cuno Saabuunta,dhalooyinka iyo waxyaabo badan oo qashin ah.  Ugu danbeen Teresa ayaaa sheegtay in ay adag tahay in ay joojiso cunista dhagxaanta oo ay aad u macaansato mudana ay soo cuneysay.

 

Ali Musa

Axadle International Monitoring

Haweeney Caado ka dhigtay in ay Cunto Dhagxaanta sida cuntada

Related Posts:
Haweeneydaan La Yirahdo Terri Graham ayaa waxa ay sheegtay in sababaha ay eyga u nuujineyso ay tahay
Haweenka caalamka ku nool badankood ayaa ah kuwo ku raxeesta cunista cuntooyin kala gadisan iyadoo w
Filim Addunka oo dhan laga Daawadey Ayaa Noqdey Mid Dadkii Daawadey Ka yaabiyey, Gabarta Yar ee Ooye
Khalid oo ah wiil yar oo kunol magaaladda Tacis ee Dalka Yamen oo Ay da'diisu tahay 5 jir  ayaa
Yaasmiin Calas waa gabar Soomaali Hollandees ah oo labaatan sano ka hor ay reerkooda kala soo qaxeen
Saxaafaddu waa guriga ay u soo hoydaan dadka dulman, waxey goddaa ama qaloocisaa, soona laabtaa dhab