August 4th Bulshadda \ Mother and Children 29 jir u dhashay dalka Britain ayaa noqday awoowaha ugu yar aduunka kadib markii uu awoowe u noqday ilmo yar oo kudhashay mid kamid ah Isbitaalada dalka Britain waxaana lawaydiiyay Kaarka aqoonsiga kadib markii uu damcay inuu booqdo ilmaha uu awoowaha u yahay oo dhashay intii uusan waqtigiisa gaarin,
waxaana ilmahaan dhashay gabadha uu asagu dhalay sida ay qortay jariirada kasoo baxda dalka Britain ee ladhaho THE DAILY MAIL.
Shem oo ah awoowaha ilmahaan dhawaan dhashay oo loo bixiyay Garcie ayaa markuu isbitaalka galay waxa ay waydiiyeen shaqaalaha isbitaalka halka uu uscoda asagoo sheegay inuu u socda gabar dhawaan dhashay oo lagu magacaabo Tia markaas ayay waydiiyeen waxa ay iskuyihiin markaas ayuu yiri waxaan ahay Tia aabaheed ayada laftirkeeduna waa 14 jir markaas ayay kashakiyeen waxa ayna waydiiyeen inuu tuso ID kaarkiisa.
Shem Davies oo ah awoowaha Garcie ayaa ah 29 jir halka xaaskiisana oo lagu magacaabo Kelly John ay tahay 30 jir taasna waxay kadhigaysaa labadooda awoowaha iyo ayeeyada ugu yar dalka Britain ayadoo inay xitaa caalamka oo dhan kanoqdaanba.
Dhinaca kale markaad fiiriso John oo ah 15 iyo Tia oo ah 14 jir oo ah aabaha iyo hooyada gabadhaan yar ee lagu magacaabo Garcie ayaa aad u yar yar ayadoo marka lafiiriyo sharciga u yaala wadama reer galbeedku ay yihiin dad aan wali qaangaarin ayadoo lagu qaangaaro wadamadaas 18 walow aad moodo markaad fiiriso wadama reer galbeedka sharciyadooda inaysan ayaga qaban ee ay qabtaan dadka kale ee lanool sida islaamka oo lagu qaangaaro 15 iyo waliba hadii qof intaas uu kyaryahay laga fiirinayo calaamado kale.
Awoowaha iyo ayeeyada Garcie ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin ayagoo aad u yar yar inay arkaan ilmo ay caruurtoodu dhashay waxaa dhinaca kale ay sheegeen waalidiinta ilmahaan inay aad ugu faraxsanyihiin dhalashadaan walow ay si sharci daro ah kudhaleen oo saaxiibtinimo taas oo inta bada laga isticmaalo wadamada reer galbeedka.





