April 28th Dunidda \ Middle East Dibadbaxayaasha Siiriya ayaa wacad ku maray in ay sii wadayaan isu soo baxyada ay kaga soo horjeedaan Madaxweyne Bishaar Al asad tan iyo inta uu xukunka ka dagayo.
Dadweynaha dibadbaxa ka sameeynayay magaalooyin ku yaala koonfurta dalkaasi, ayaa sheegay in ay sii wadayaan dibadbaxyada ka dhanka ah Madaxweyne Bishaar Al asad, ayagoo tilmaamay inaaney baqdin gelindoonin awooda Dowladu ay u adegsaneyso banaanbaxayaashaasi.
Q/Midoobay, Mareeykanka iyo wadamo kale oo ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa si kulul u cambaareeyay cadaadiska Xukuumaddu ku heyso dadka isbedel doonka ah.
Dowladda Siiriya ayaa awood u adeegsatay dibadbaxayaasha iyadoo dad farabadan oo ka mid ah dibadbaxayaashasi ay naftooda ku waayeen intii ay ku gudajireen dibadbaxyada ay kaga soo horjeedaan xukuumadda Asad.
Axadle International Monitoring








