October 16th Layaabka Wiil dhalin yar ah oo udhacay Qasriga madaxtooyada ee dalka Brazili isaga oo ay usuurtagashay in uu soo dhex galo ila qolka martida lagu qaabilo. Wiilkan oo waxaas oo halis ah u soo galay si uu ugu sheego Hogaamiya Dalka ahna madaxwaynaha wadanka Dilma Russef jacaylkiissa uu u qabo.
Wiilkan oo sakhraansana ama cabsanaa wax Xabagta isla Markaasna gacantana ku sita sawirka madaxwaynaha ayey ilaalada madaxtooyadu gacanta ku dhigeen.
Ilaallada madaxtooyada waxa uu u sheegay in uu yahay odaygii hore ee madaxwaynaha oo una rabo in uu soo cesho xidhiidhkii hore. Waxaa ay ilaaladda ku fureen wilka yar xabada rabarka ah sii ay uu dajiyaan uguna fuduudaato sii logu qaado
dhaqtarka.
Ugu Dambeyntii waxaa loo qaaday wiilkii dhakhtar si loogu daweeyo isaago ka dibna maxkamad la soo taagi doono isaga oo lagu soo oogaayo dambi ah in uu si sharci daro ah ku soo galay Qasriga madaxtooyada.
Qore Awliyo Doualeh
Axadle International Monitoring







