December 10th Horyaalada Kooxda Barcelona ayaa Xalay ka Guuleysatey Kooxda Real Betis ayadoo sii dheereysatay Hogaanka Horyaalka Primera Division. Laba Gool uu Dhaliyay Lionel Messi Daqiiqadihii 16 iyo 25 ayaa hogaanka ciyaarta Kooxdiisu u dhiibay Balse Daqiiqadii 39 ayuu Ciyaarihanka Martin Ciyaarta ka dhigay 2 iyo 1 sidaana waxa lagu kala nastay qeybtii hore ee Ciyaarta Real Betis 1 : 2 Barcelona.
Qeybtii Labaad ee Ciyaarta markii la isugu soo laabtay Fursado Dhowr ah ay labada koox ay abuureyn ayaa wax gool ah ay ku dhalin waayeen waxaana Ciyaartii labada kooxood ay dhex martay ku soo dhamaatay Real Betis 1 2 Barcelona.
Dhanka Kale Ciyaariyahanka Reer Argentin Lionel Messi ayaa caawa waxuu jabiyay Rikoorkii u yeelay Ciyaariyahanka Gerd Muller kaas oo hal sanno ku dhaliyay 85 Gool waxuuna uu noqonayaa Ciyaariyahanka Messi mid Taariikh weyn Sameeyay Caawa.
Kooxda Barcelona waxeey haatan lee dahay 43 Dhibcood waxaana ay Hoganka Horyaalka ku heysaa 6 Dhibcood oo Nadiif ah waxaana ku soo xigo Kooxda Atletico Madrid 37 dhibcood halka Kooxda Realmadrid ay lee dahay 32 Dhibcoo.
Axadle International Monitoring-Ciyaaraha







