September 24th Horyaalada Kabtankii hore ee wadanka Ingriiska John Terry ayaa ku dhawaqay in uu ka fariistay ciyaaraha heerka caalami ee xulka Qaranka Ingriiska.Isaaga Ku saleyey Kafadhisigiisa Dacwada Lagu soo ogey
Terry oo 31 jir ah ayaa maanta kiis dacwad lagu soo ogahay hor taagi doona maxkamada gaar ah ee xiriirka Kubada Cagta ingiriska ,laakin inta aan maxkamadas laga gaarin ayuu xalay goor danbe ku dhawaqay in uu soo af jaray waayihiisii xulka Ingiriska.
Waxaa uu isku casilay qaabka ay ula macaamilayaan xiriirka FA –ga oo wali daba jooga isagoo ay Maxkamada rasmiga ah dambi ku weysay Sii Dacwadii loo Meel Mariyo .
Laacibkaan ayaa xulka England ka tirsanaa tan iyo 2003-dii waxaana uu usaftay 78 kulan. “Waxaan rabaa in aan si rasmi ah ushaaciyo caawa in aan ka fariistay ciyaaraha heerka caalami ee wadankeyga”
Waxaan jeclahay in aan umahad celiyay dhammaan macalimiintii xulka England ee aniga ii soo doortey in aan Mataalo Dalkeyga ayuu yiri John Terry Terry ayaa horey ereyadii Cunsuriyonimada ahaa ee uu ugeystay Aton Ferdinand ugu waayay kabtanimadii England,hadana arintaas darted ayuu isku casilay.
Axadle International Monitoring







