February 16th Horyaalada Magaalada Caasimada ee Roma saacada marka ay taha 10:45 waxaa ka dhacaya Kulan darbi oo dhexyaala kooxaha Roma iyo Juventus oo raadinaysa guusheedii Sadaxaad ee Xiriirka ah.
Juventus waxaa ganaax kaga maqnaan doona Federico Peluso iyo Claudio Marchisio dhanka kalana Kwadwo Asamoah oo Ciyaaraha Africa kasoo laabtay ayaa Line Upka Juventus ku jiri doona.
Labada Weeraryahan ee kulankii Celtic wacdari dhigay Mirko Vucinic iyo Alessandro Matri ayaa hogaamin doona Weerarka kooxda.
Shax cusub waxaa la imaan doona Caawa Tababaraha ku meel gaarka ee Roma Andreazzoli oo ku tali jira inuu kooxda ka badalo sidii uu qaabeeyay Macalinkuii la cayriyay ee Zdenek Zeman .
Pablo Daniel Osvaldo iyo Daniele De Rossi ayaa xaaladooda la qiimeyn doonaa Saacadaha soo aadan si loo ogaado iney safan karaan caawa iyo In kale.
Ogow
Roma iyo Juventus ayaa kala qeybsaday 100 gool xagaagan Laakiin Roma aya laga dhaliyay goolashii u badnaa oo ahaa 45 jeer kaliya sanadkan halka Juventus 16 gool laga dhaliyay.
Lugtii hore ee labadan koox dhexmaray Juventus ayaa ku adkaatay 4-1 iyadoo goolasheeda kaga mahad celisay Pirlo, Arturo Vidal, Alessandro Matri iyo Sebastian Giovinco .
Roma ayaa Mar kaliya ka badisay Juventus 15 kiil kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Serie A tan iyo Februray 2004.
Kooxda Magaalada Caasimada ayaa laga badiyay Lexdii kulan ee ugu dambeeyay ee Serie A afar jeer.
Roma waxaa ka hor Imaan doona Caawa ciyaaryahankeedii hore ee Mirko Vucinic oo sanadkii 2011 ku biira Juventus
Ciyaaraha ugu Muhiimsana waa kuwa ay ciyaarayaan Juventus iyo Roma,Arsenal iyo Blackburn ,sidoo kalana Barcelona iyo Granada.
February 16
04:45 Luton ? – ? Millwall
07:00 Arsenal ? – ? Blackburn
07:00 Milton Keynes Dons ? – ? Barnsley
10:00 Oldham ? – ? Everton
Serie A
09:00 Chievo ? – ? Palermo
11:45 Roma ? – ? Juventus
La Liga
03:00 Getafe ? – ? Celta Vigo
05:00 Malaga ? – ? Athletic Bilbao
07:00 Granada ? – ? Barcelona
09:00 Osasuna ? – ? Zaragoza
23:00 Real Sociedad ? – ? Levante







