Axadle | Chelsea oo Guldaro kala kulaantay final-ka koobka kooxaha adduunka - Axadle

Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Thu05232013

Last update10:57:33 PM

Back Sport Sport News Cricket Chelsea oo Guldaro kala kulaantay final-ka koobka kooxaha adduunka

Chelsea oo Guldaro kala kulaantay final-ka koobka kooxaha adduunka

December 16th Horyaalada Kooxda Chelsea oo heysata horyaalka yurub ayaa galabta ku guul-darreysatay in ay noqoto horyaalka adduunka, markii kulankii kama-dambeysta ee koobka kooxaha adduunka 1-0 ay kaga adkaatay kooxda Corinthians oo ka dhisan dalka Brazil.

Weeraryahanka Poulo Guerrero ayaa goolka guusha siiyay kooxda Corinthians qeybta labaad ee ciyaarta, taas oo ka dhigtay in markii labaad ay noqoto Corinthians horyaalka kooxaha adduunka.

Cahill oo daafaca uga ciyaara kooxda Blues ayaa dhammaadka cayaarta garoonka ka baxay markii loo taagay kaarka cas.

Macallinka kumeel-gaarka ah ee Chelsea Rafa Benitez ayaa koobkan kula guuleystay kooxda Inter Milan 2010-kii, hase yeeshee waxa uu ku guul-darreystay sanadkii 2005-ta, xilligaas oo uu leylinayay kooxda Liverpool.

Cassio oo Corinthians u ciyaara ayaa loo magacaabay xiddiggii tartanka ugu fiicnaa, iyadoo David Luiz (Chelsea) iyo Guerrero (Corinthians) ay labaad iyo seddexaad kala galeen sida ay u kala horreeyaan.

Kooxda Monterrey oo Mexico ka dhisan ayaa galabta kaalinta seddeexad ee koobkan gashay markii ay 2-0 kaga adkaatay kooxda Al Ahly ee reer Masar. Kooxda Monterrey waxaa loo magaaabay kooxdii ugu akhlaaqda fiicneed tartanka.

Cesar Delgado oo Argentina u dhashay una cayaara kooxda Monterrey iyo Hisato Sato uu u dhashay Japan kana tirsan kooxda Sanfrecce Hiroshima ayaa min 3 gool ku qaaday gool-dhalinta tartanka ee sanadkaan.

 

Corinthians Celebration FIFA Club World Cup Final

 

Axadle International Monitoring-Ciyaaraha

Chelsea oo Guldaro kala kulaantay final-ka koobka kooxaha adduunka

Related Posts:
Magaalada Caasimada ee Roma saacada marka ay taha 10:45 waxaa ka dhacaya Kulan darbi oo dh
Kooxda Chelsea oo heysata horyaalka yurub ayaa galabta ku guul-darreysatay in ay noqoto horyaalka ad
Kooxda Barcelona ayaa Xalay ka Guuleysatey Kooxda Real Betis ayadoo sii dheereysatay Hogaanka H
Labo gool oo uu dhaliyay Michu ayaa ka saaciday kooxda Swansea in muddo 30 sanadood ah ka dib ay ka
Kooxda Chelsea ayaa waxaa soo gaaray guul daraddii ugu horeysay horyaalka ingiriiska xilligan kadib
Kabtankii hore ee wadanka Ingriiska John Terry ayaa ku dhawaqay in uu ka fariistay ciyaaraha heerka