Axadle

rtd Live
Axadle468x60

Fri05182012

Last update08:28:03 PM

Back Tech Technology News Green Tech Agaasimihii Shirkadda Yahoo Oo Shaqada Laga Ceyriyey

Agaasimihii Shirkadda Yahoo Oo Shaqada Laga Ceyriyey

carol bartz

September 7th Aladaha \ Green Tech Shirkadda caanka ah ee Yahoo ayaa shaqadii ka ceyrisey agaasimihii guud ee shirkadaasi Carol Bartz iyadoo qaabka loogu sheegay in shaqada laga joojiyey ay ahayd mid la yaab leh. Carol Bartz ayaa taleefan loogu sheegay in shaqadii laga joojiyey iyadoo aan xitaa digniin aan hore loo siin

Illaa iyo hadana si rasmi ah looma shaacin sababta dhabta ah ee keentay in shaqada laga eryo haweeneydan.

Carol Bartz ayaa muddo labo sano iyo bar ah ahayd agaasimihii shirkadda Yahoo ee caan ku ah Internetka.

Mudadii ay haweeneydan ahayd agaasimaha ayaa waxa shirkadda Yahoo ay la kulantay tartan xoog leh oo kaga imanaya Google iyo Facebook.

Madaxii maaliyadda ee shirkadda Yahoo Tim Morse ayaa si kumeel gaar ah loogu dhiibey in sii maamulo shirkadda.

Saacado kadib markii uu soo baxay warkan shaqada looga ceyriyey Carol ayaa waxaa kordhay saamiga shirkadda 6% waxana la filayaa in faa’idada shirkaddan uu sare u kaco marka suuqyada caalamka ay wada furmaan.

Ms Bartz oo madax ka noqotay shirkadda Yahoo bilowgii 2009,iyadoo kala wareegtey mid ka mid ah aasaasayaashii shirkadda Jerry Yang.

Ms Bartz ayaa isbedel xoog leh ku samaysay shirkadda dhinaca maamulka iyadoo shaqo dhimis ku samaysay shaqaalaha si ay u badbaadiso dhaqaale


Related Posts:
Shirkadda caanka ah ee Yahoo ayaa shaqadii ka ceyrisey agaasimihii guud ee shirkadaasi Carol Bartz i
Agaasimihii Shirkadda Yahoo Oo Shaqada Laga Ceyriyey